Inaad qanciso macaamiishaada ayaa ka wanaagsan inaad tartan adag la gasho competition-kaaga

Nin ganacsade ah oo business-kiisu magaalada sumcad fiican kuleeyahay balse competitionkiisu aad u badanyahay ayaan weydiiyay sidee ula tartantaan waxaas oo shirkad ah idinkoo dagaalkiinu yaryahay, misna u noqoteen shirkadda ugu fiican dalka?

Markaaasuu igu yidhi: inagu waqti iyo kharash kuma bixino inaan dagaal iyo tartan galno, balse kharashka ugu badan waxaan ku bixinaa sida aynu u qancin lahayn macaamiisheena, haldoolar oo aan ku bixiyo suuqgeyn dagaal kujiro waxaa iigaga wanaagsan inaan halkaas doolar ku fududeeyo nolosha qof macmiil ii ah.

Farsamadaas waxaa isticmaasha Shirkadda Apple oo intabadan kama daba cararto shirkadaha kale, waqtigeeda ayay qaadataa kadib ayay waxyaabo hore loo sameeyay keentaa iyadoo meelo cusub wax ka eegaysa, dadkuna u arkaan waxaas wax ka wanaagsan kuwii hore u jiray.

Marka waligaa waqti ha isaga lumin kadaba cararka kuwa aad la tartamayso, ee waqti fiican geli inaad adiga is hagaajiso, adigoo ilgaar ah ku heynaya waxa meesha kale ka socda ee horumaro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *