Halkee lagu arkay adduunka wadan dhaqaalihiisii inta la uruursaday nambaro loogu badalay! dhaqaalaha caalamka wuxuu ku shaqeeyaa waa in lacagta dadku heystaan dib dadkale loogu maalgeliyo si dhaqaalaha wadanku u horumaro, hadii aniga maanta aan 1000 doolar bangi dhigto, Jaamac ayaa la deeminayaa oo ganacsi ku maalgashanaya kadibna faaiido ka sameynaya.
Inaga lacagteenii nambar baalaynagu badalay waxna ma inoo qabato. ugu yaraan 60% hantideenu waa dormanta (Fadhiid) cid isticmaasha malaha marka laga reebo 2 ilaa 3 shirkadood oo iyaga waxay doonaan ku maalgashada, in lacagtaada waxkasta lagu maalgashado waxaad ku ogaan kartaa, horta wali ma isweydiisay ganacsiyadda dalka, sectors-ka ugu waaweyn sida: cuntada, tamarta, realestate-ka, teknolojiyadda, yaa maamula?
Muhiimadda aan ugala jeedo waxay tahay dhalinyaraddu waxay u baahanyihiin maalgelino kala duwan haday noqoto teknoolojiyadda, Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga iyo wixii lamid ah, taasina ma dhici karto hadii interest rate-ku ka badnaato kii ribada caadiga ahayd ee la gaadhsiiyo 12% ilaa 20%, kadibna lagu yidhaahdo dhul la rahmo keensada si deen la idiin siiyo, micnaheedu waxaa weeye iska tag adeer kuma siinayno.
Si aad dhaqaalaha iyo siduu u shaqeeyo waxbadan ugaga ogaato buugga “What Everyone Should Know About Economics and Prosperity” lasoo dag adigoo taabanaya linkigan.