Hadaaney jirin baahi aad wax u aqriso, wax aqrintu way kugu cuslaanaysaa!.

Waa inaad abuurtaa baahi kugu qasbaysa inaad wax aqriso, tusaale yar aan idin siiyo: kasoo qaad waxaa tahay qof xiiseeya taariikhda iyo dhacdooyinkii hore ee adduunka ka dhacay laakiin ma isku karaysid aqriska taariikhda sowmaaha? dhibmalaha, waxaad bilowdaa blog aad kaga hadlayso taariikhda caalamka iyo ilbaxnimaddii adduunka siday kusoo bilaabatay, inyar kadib waxaad is arkaysaa adigoo leh aan soo iibsado buugii ka hadlayay ilbaxnimadii Musabataamiya oo aan daraasad ka sameeyo.

xusuuso adduunkan waxkasta dan ayaa kalifta, xitaa maskaxdaadu ma rabto inay samayso wax aan dan ugu jirin, marka waa inaad dantaas abuurtaa oo aad maskaxdaada xitaa qancin karto.

2 thoughts on “Hadaaney jirin baahi aad wax u aqriso, wax aqrintu way kugu cuslaanaysaa!.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *