Fikradan waxaad u baahtahay inaad u tagto shirkadaha ganacsiga Retail-ka ah ka shaqeeya adigoo xulanahay wax aad xiiseyso oo aad information badan ka heyso sida: Electronics-ka oo kale.
Markaa waxaad u tagaysaa shirkad waxaad ku odhanaysaa waxaan idiin sameeynayaa product review sida inaad warbixin ka sameyso Telifoonada iyo computers-ka ay iibiyaan adigoo ku odhanaya 6 bilood ee ugu horeeya free ayaan idinkula wixii aad ii garataan isiiya, sidoo kale waxaad ku odhanaysaa inay kuu ogolaadaa inaad muuqaaladaasna gasha karto youtube-kaaga.
shaqada adiga aad qabanayso waxay noqoneysaa inaad daraaseyso alaabaha aad ka warbixineyso, sidoo kalana aad qorshe u sameysato qaabka aad usoo gudbineyso iyaguna ay diyaariyaan goobtii lagu duubi lahaa iyo qalabkii la isticmaali lahaa.
Fikradaan waxaa ay kaa caawineysaa:
- Inaad suuqa isa soo geliso adigoon wax qarash ah kaa bixin oo waxaa laga yaabaa 6daa bilood 50k ilaa 100k inaad subscribers ku hesho.
- Inaad barato sida wax loo duubo oo aad hadalka iyo warbixinta la qabsato.
- Waxaad sidoo kale xitaa ku baran kartaa farsamooyin badan oo kusaabsan content creation-ka sida: qaababka wax loo edit-gareeyo, sida sheekooyinka loo sameeyo, sida iftiinka muuqaalka loo saxo.
- Waxaa xitaa isbadalaya qaabka aad u labisanayso iyo muuqaal ahaanta jirkaaga oo waxaa laga yaabaa inaad Gym gasho oo aad ku dhiirato inaad muuqaalkaaga qurxiso ileyn qof la daawanaya tahaye.
Kaliya Electronics ma ahan xitaa waxaa loo isticmaali karaa shirkadaha dharka iibiya, kuwa cosmetics-ka, kuwa furniture-ka iyo qeybo kale oo badan.
Sidoo kale aqriso: Fikrad ganacsi #1