Farsamooyin aad maalintaada ku habeysan karto.

Maanta oo dhan waad cararaysaa, waad shaqeynaysaa, waad mashquulsantahay hadana ugu dambeyntii waxaad arkaysaa inaadan waxbadan qaban, ama waxaad dareemaysaa inay wali wax kaa dhiman yihiin, hadaba qormadan waxaan idinla wadaagayaa farsamooyin aad maalintaada ku habeysan karto si aad waxbadan u qabato, una dareento inaad waxbadan qabsatay maalintaas.

  1. Qoro 3da shey ee ugu muhiimsan maalintaada inaad qabato: Tan waxay kaa caawinaysaa inaadan leexleexan oo waxyaabo kale ku jeesan, marka sadaxdaa shey inaad qabato waxkasta hakaaga muhiimsanaadaan.
  2. Dooro qalab wanaagsan oo aad isku dabagasho: Binaadamka waxyaabaha ugu weyn ee uu kuliito waa ilowshaha, inaga maskaxdeena sikasta way u fiicantahay marka laga reebo “Memory-ga” marka isku day inaad qalab fiican oo wax ku xusuusiya iskuna dabagasho inaad isticmaasho.
  3. Iska ilaali inaad shaqooyin kala duwan halmar wada qabato: Markasta yareey Tabs-ka kaaga furan internetka, oo isku soo koob hal shaqo oo diirada sifiican usaar halkaa shaqo inta ka dhamaynayso.
  4. Isticmaal farsamooyinka diirada wax lagu saaro: tusaale waxaad isticmaali kartaa Farsamadda Pomodoro timer oo loo isticmaalo in la isku baro diirad saarada, waxaad isticmaali kartaa websitekan “https://pomofocus.io/” oo ah website aad ku xisaabsan karto marka aad pomodoro isticmaalayso.
  5. Iska xidh telifoonka codkiisa: Marka shaqo kujirto moobilka iska fogeey ama u sameey waqti aad isticmaasho tusaale, markaad 30 daqiiqo shaqo adag qabato kadib 5 daqiiqo fiiri wixii update ah ama hadii lagu soo wacay ama wax muhiim ah hadii ay jiraan.
  6. Isticmaal farsamada loo adeegsado kala xadaynta shaqooyinka ee Eisenhower matrix: farsamadaan waxay ku odhanaysaa afar u kala jabi wixii aad qabanayso tan koowaad wax muhiim ah oo dagdag ah, ta labaad wax muhiim ah balse aan dagdag ahayn, tan sadaxaad wax dagdag ah balse aan muhiim kuu ahayn, iyo tan ugu dambeyso oo ah wax aan muhiim kuu ahayn sidoo kalana aan dagdag ahayn, markasta kukala qiimeey shaqo kasta afartaas qeybood.
  7. iska ilaali inaad waxkasta dhabarka u ridato: Waxkasta oo laguula yimaado masuuliyadeeda ha qaadin oo mararka qaar ka cudur daaro wixii kugu adag ama ku mashquulinaya.
  8. Samayso meel aad fikradaha ku keydsato: Waxkasta oo kugu soo dhaca hore hakaga boodin, hana ilaabin ee meel kuqoro si aad markale u milicsato oo wixii aad ka qaban karto ka qabato.

Farsamooyinkan waxaan rajaynayaa inaad waxbadan ka faaiideysan doonto, wixii kale ee aad ku dari karto qeybta faaladda nagula wadaag.

One thought on “Farsamooyin aad maalintaada ku habeysan karto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *