Waa maxay farqiga u dhaxeeya Revenue & Net income?
Revenue waa dakhliga guud ee ku soo gala waxaana kujira kharashaadkii aad gashay halka Net income uu noqonayo faaiidada xaasillka ah ee aad adigu meel dhiganayso, waxaana lagu helaa marka Dakhliga laga jaro qarashaadka aad gashay.
Maxay muhiim u tahay in lakala ogaado dhaqliga iyo faaiidada saxda ah?
Waa arrin muhiim ah in ganacsataddu fahmaan farqiga u dhaxeeya revenue iyo net profit sababtoo ah horumarka ganacsigaaga iyo qorshahiisa fog waxaad ku ogaan kartaa marka aad garanayso halka aad joogto, hadii ganacsigaagu uu markasta break-even kujiro oo aanad wax netprofit ah soo saarayn, waxaaa meesha ka baxaysa koriinshaha ganacsiga.
Tusaale: nin oday ah oo aan dukaankiisa ku xidhanahay ayaan waraystay wuxuu igu yidhi “12 sano ayaan dukaan leeyahay halkaasna waan dhaafi la’ahay” marka waxaan weydiiyay maxaa net profit ah oo kusoo gala? Magaranayo ayuu yidhi!
Sababta aan idiin sheego: ninkan wuxuu iibinayaa raashinka, sharaabka, saliida, gaaska iyo waxkasta oo nolol maalmeedka bulshada magaaladu u baahantahay kusalaysan, dhibaatada jirta waxaa weeye wuu soo iibsadaa wuu sii iibiyaa hadana wixii dhamaada ayuu dalbaa hadana wuu sii iibiyaa.
Maanta haduu 1000$ oo revenue ah qabto mayaqaano inta netprofit ah iyo inta qarash ah, ma u xisaabsana kirada dukaanka, qarashka korontada, mushaharka shaqaalaha, lacagaha uu isagu qaato, wixii soo gala qeyb wuu isticmaalaa intakalana waxbuu kusoo iibiyaa marka waxaa meesha ka baxaya koriinshaha(growth) ganacsiga.
Hadii aanad ogeyn waxa kusoo gala iyo wax lagaa doonayo iyo waxa kuusoo haraya waad daalaysaa uun oo aragtida ganacsiga meesha waaka baxaysaa.
6 thoughts on “Farqiga u dhaxeeya Revenue & Net income?”
Revenue
Dakhligu waa cadadka laga helo in shaqaynta iyo hawlaha aan shaqaynayn ee ganacsiga. Hawlaha hawlgelinta waxa aan uga jeedaa jeedaa hawlaha joogtada ah ee ganacsigu sida iibinta alaabta iyo bixinta adeegyada. Hawlaha Aan Shaqeynin Macnaheedu waxa weeye waxqabadyada aan ahayn hawlaha ganacsiga sida iibka hantida ama qaddar kasta oo lagu helo kirada, komishanka, iyo ribada, iwm. Dakhliga waxaa sidoo kale loo yaqaan ‘Turnover’
Net income
Dakhliga saafiga ah ee shirkadda inta lagu jiro sannad xisaabeedka gaarka ah waxaa loo yaqaan Dakhliga. Waxa la xisaabiyaa marka saamiga saami qaybsiga ee la door bidayo laga jaro faa’iidada saafiga ah ee ganacsiga waxa soo hadha ayuu noqdaa dakhliga saafiga
thanks
Soomaalida ayaa xiligaan sidaas u badan
haa way dhacdaa inbadan