Dhamaanteenba waxaynu leenahay caadooyin aan wanaagsaneyn oo saameyn ku yeelan kara horumarka nolosheena, marka ay noqoto hibooyinka uu ilaahay ku siiyay, caadooyinka qaar waxay keeni karaan inay baabi’iyaan awoodahaaga iyo hibooyinka uu Ilaahay kusiiyay oo aad noqoto qof aan garanayn awooda uu leeyahay iyo waxyaabaha uu qaban karo.
Waxaa kamid ah dhibaatooyinka ay kugu keeni karaan.
- Inay kaa jeediyaan hadafyadaada.
- Inay tamartaada kaa qaadaan oo aad daal badan dareento.
- Inay hoos u dhigaan kalsoonidaada.
- Inay kaa dhigaan qof aan lahayn hal abuur badan.
Caadooyinkaa sidaa kugu keeni kara waxaa kamid ah.
- Balwadda sida sigaarka, qaadka ama daawashada muuqaalada anshaxa xun.
- Caajiska badan iyo dib u dhiga
- Saaxiibada xunxun la socodkooda
- Cabsida badan ee uu qofku ka cabsado guuldaradda
- Focus la’aanta iyo qofka oo mashquulkiisu badanyahay.
Waxaan rajaynayaa inaad ka faaiideysatay qormadaan waxaad kale oo aad aqrisan kartaa.