Waxaan aqrinayay buugga uu qoray qoraagga weyn ee “Carl Newport” buuggan oo lagu magacaabo “So Good They Can’t Ignore You”
Waxyaabaha aan buuggaan ka faaiideystay waxaa kamid ah: Inaad hal meel ka muuqato oo aad sida qoraxda uga iftiinto ayaa ka wanaagsan inaad xidigo yaryar oo aan la arkeyn noqoto, tan micnaheedu waxaa weeye hal wax si fiican u baro oo ku noqo xariif looga dambeeyo.
Waligaa noqo qof hal meel ka muuqda oo xureysta meeshaas, hadii aad shirkad ka shaqeyso hadii lagaaga fiicanyahay xirfadda aad ku shaqeyso meel kale oo aad nambarka koowaad ka tahay sameyso sida inaad noqoto qofka ugu horeeya soo shaqada soogala oo waqtiga ilaaliya, ama qofka ugu wanaagsan ee ilaaliya balamaha.
Raadi wax aad ku wanaagsantahay kadib baro, kadibna noqo qofka hawshaas looga dambeeyo oo marwaliba tusaale loo soo qaato.
2 thoughts on “Noqo qof meel ka muuqda”
Wan ka helay buugaan
i hope inaad ka faaiideysan doonto