Casharo kusaabsan dhaqaalaha oo aan Jaamacaddaha lagu dhigan

Casharo kusaabsan dhaqaalaha oo aan Jaamacaddaha lagu dhigan, waxaan qormaddan kaga hadli doonaa waxyaabo muhiim ah oo kusaabsan dhaqaalaha iyo sida qofka dhalinyaradda ahi ugaga faaiideysan karo inta uu yaryahay.

  1. Qaado Masuuliyadahaaga Dhaqaale: Bilow inaad masuul ka noqoto dhaqaalahaaga adigoo aan ku tiirsaneyn cid kale. Tani waxay ka dhigan tahay inaad si madax bannaan u maamusho kharashaadkaaga iyo dakhligaaga.
  2. Baro Awooda Lacag Uruurinta: Lacag uruurinta iyo maalgashiga waa labo xirfadood oo muhiim u ah kobaca dhaqaale. Biloow inaad lacag dhigato ama maalgashato xilli hore si aad uga faa’iideysato mustaqbalka dambe
  3. Kunoolow Iinkayar Inta Kusoo Gasha: Ku noolow miisaaniyad ka yar dakhligaaga si aad uga fogaato deymaha iyo si aad u awoodo inaad keydiso ama maalgashato qeyb ka mid ah dakhligaaga.
  4. Lacagaha kusoo gala: marka hore u isticmaal waxyaabaha muhiimka kuu ah intaanad isticmaalin tusaale iska bixi waxyaabaha buuxinaya baahiyahaaga aasaasiga ah kadib waxaa kuu xigi doona wixii maalgalin iyo keyd ah kadib ugu dambeyn wixii baashaal ah.
  5. Iska Ilaali Deymaha: Haddii aad deyn ku jirto, ku dadaal inaad si dhaqso leh u bixiso. Haddii aadan ku jirin deyn, iska ilaali inaad deyn cusub qaadato.
  6. Sameyso Qorshe Miisaaniyadeed: Deji miisaaniyad adiga ku habboon oo ku dhaqan. Isku day inaadan dhaafin miisaaniyadaada si aad uga fogaato dhibaatooyin dhaqaale.
  7. Diiwaangeli Kharashaadkaaga: Qor dhammaan lacagaha kaa baxa iyo sababta aad u bixisay. Noqo qof ka warhaya dhaqaalihiisa iyo sida uu u maareeyo.
  8. Naftaada maalgasho: sameyso qarashaad aad ugu talagashay inaad wax kubarato, buugaag ku iibsato, sidoo kalena aad naftaada ku daryeesho.
  9. Markasta ku dadaal inaad bixiso sadaqo: badan oo aad dadka wax ku celiso adigoo ka bilaabaya kuwa kuugu dhaw ee u baahan in la caawiyo.
  10. Ku Dadaal Horumarinta: Ku dadaal inaad sanad walba horumar sameyso, ha ahaato dhaqaale ahaan ama xirfad ahaan. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad gaarto guulo waaweyn.
  11. Waligaa iska ilaali inaad raadiso qaabab fudud oo aad ku taajirto: sida inaad 1000 doolar bixiso oo aad bilkasta 2000 doolar hesho.

Ku dhaqanka talooyinkan waxay kaa caawin doonaan inaad si wax ku ool ah u maamusho dhaqaalahaaga, isla markaana aad u dhigato aasaaska horumar dhaqaale oo waara.

One thought on “Casharo kusaabsan dhaqaalaha oo aan Jaamacaddaha lagu dhigan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *