Markasta oo aad Ilaahay talo saarato! Qiso cajiib ah.

Sheekh Yahya Ibraahim, oo Jaamacad ku taala dalka Maraykanka wax ka dhiganaya, waxaa maalin Jimce ah isaga soo beegmay imtixaan jaamacadeed iyo khudbadda jimcaha oo uu jeedinayay. Markaa si uu u kala ilaaliyo labadan waajib, wuxuu la hadlay Masjidkii, balse waxaa loo sheegay inaan cid kale buuxin karin kaalintiisa, sidaas darteedna uu ku qasbanyahay inuu yimaado.

Sheekh Yahya wuxuu u tagay Macalinkii xiisadda dhigayay, wuxuuna ka codsaday inuu waqtiga imtixaanka ka soo hormariyo saacad. Nasiib darro, Macalinkii wuxuu ku jawaabay, “Taasi ma suurtagalayso, ee ama imtixaankaaga gal ama Masjidka qabo.”

Go’aan adag oo ku saleysan iimaankasa iyo waajibaadkiisa diineed ayuu qaatay Sheekh Yahya oo wuxuu doortay inuu khudbadiisa jimcaha qabsado. Haddii suurtagal ay noqotana, uu imtixaanka kasoo gaaro. Khudbaddii kadib, wuxuu ku cararay jaamacadda, waxaa uuna yimid Jaamacadda iyadoo imtixaanka ka harsan tahay kaliya 20 daqiiqo.

Kadib markii uu imtixaankii galay, oo waraaqdii uu soo qaatay imtixaanku wuxuu ka koobnaa 80 su’aalood oo wada Multiple choice ah, waqtiga oo kuyar daraadeed wuxuu bilaabay inuu dagdag isha u wada mariyo waxaana usoo baxday in 5ta su’aalood ee ugu horeysa ay wada “C” tahay, waqtigii imitxaankana uu sii dhamaanayo marka ayuu wuxuu qaatay go’aan ah inuu 75-ka kale ee u hadhay inuu wada “C” ka dhigo hadii kale waqtiga ayaa ku dhacaya oo 10 xabo xitaa kama gaadhsiin karayo.

imtixaankii markii la soo saxay Sh. Yaxya wuxuu noqday qofka kaliya ee imtixaankaa 100% ka keenay sababtoo ah imtixaanku wuxuu ahaa Saykoolaji oo jawaabaha oo dhami waxay ahaayeen “C” oo waxaa la hubinayay inta qof ee go’aanka “C” wada qaadan doonta sababtoo ah sida caadiga ah dadku way ka shakinayaan oo qaarbaa waxkale oo aan “C” ahayn dooranaya, balse Sh. Yaxya isaga waqtiga oo ku yar aawadii, waxaa meesha ka baxday sababeyntii iyo shakiga oo doorasho kale ma uusan heysan.

Marka taasi waxay ku tusineysaa muhiimadda ay leedahay qofku inuu Ilaahay talo saarto oo uu waxkasta ka horeysiiyo diintiisa.

One thought on “Markasta oo aad Ilaahay talo saarato! Qiso cajiib ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *