Youtube-ku wuxuu kamid yahay waxyaabah ugu wanaagsan ee uu qofku ka sameyn karo lacag fudud, Hadaba waxaan halkan kusoo koobayaa kooras gaaban oo ka kooban 9 qeybood oo aad ku baran karto, farsamo ahaan sida aad u furan karto janal youtube ah, anigu khabiir kuma ahi youtube-ka balse waxaan ku bari karaa farsamo ahaan waxyaabaha aad u baahantahay si aad u bilowdo youtubing-ka.
Course contents.
- Hordhaca kooraska.
- Diiwaangeli Janal cusub.
- Naqshadeynta sida loogada iyo cover-ka
- Diyaarinta content-ka
- Edit-gareynta muuqaalada
- Soo geli muuqaalkaaga ugu horeeya.
- Sameyso qorshe wax soogelin ah.
- Farsamooyin kusaabsan qaababka loo shaaciyo janalkaaga.
- Sidee u buuxin kartaa shuruudaha Youtube
monetization-ka - Gabagabo.
Hordhaca kooraska.
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=9J8j6e1MMTw[/embedyt]hordhaca kooraska iyo faahfaahin kusaabsan waxyaabaha aad ku baranayso kooraskan.
Casharka koowaad: Diiwaangeli Janal cusub.
Casharkan waxaad ku baranaysaa sida loo sameysto janal youtube loona buuxiyo dhamaan shuruudaha lagaa doonayo marka aad furanayso akoon cusub oo youtube ah, sidoo kale casharkan intuu socdo waxaad sameysanaysaa akoon email ah oo aad u isticmaali doonto inaad ku maamusho janalkaaga.
Casharka Labaad: Naqshadeynta sida loogada iyo cover-ka
Si aad u sameysato janal Dadka indhahooda soo jiidanaya waa inaad leedahay Sumad(logo) iyo cover page aad ku xirto Janalkaaga, taasi sidoo kale waxay ka dhigaysaa janalkaaga mid u muuqda inuu yahay wax sax ah oo la isku aamini karo, hadaba muuqaalkan ayaan kugu barayaa sida loo sameysto sawiro quruxdan iyo sida loo isticmaalo Canva.
Casharka sadaxaad: Diyaarinta Muuqaalada.
Si aad u noqoto qof youtubeka ku shaqeysta waxaad u baahantahay marka koowaad muuqaalo aad dadka tusto, casharkan waxaan idinku tusayaa sida loo doorto muuqaalada aad soo gelinayso iyo noocyadda muuqaalada aad ka shaqeysan karto.
Casharka afaraad: Edit-gareynta muuqaalada
Casharkan waa casharka ugu dheer kooraska waana kan ugu xiisaha badan, waxaan kugu tusinayaa sida loo editgareeyo muuqaalada oo base ah, inagoo isticmaalayna adobe premier pro.
Casharka shanaad: Soo geli muuqaalkaaga ugu horeeya.
Muuqaalkii waad diyaarsatay hadaba sidee usoo galin kartaa youtubeka, waa mawduuca casharkan aan kugu baraayo.
Casharka lixaad: Sameyso qorshe wax soogelin ah.
Marka aad tahay content creator waxaad u baahantahay qorshe aad ku maamusho janalkaaga iyo jadwal shaqo, sidoo kale waxaad u baahantahay inaad dajisato yoolal aad hiigsanayso si aanad uga caajisin ganacsigaaga, hadaba muuqaalkan kaga bogo intaas iyo kale oo ka badan.
Casharka todobaad: Farsamooyin kusaabsan qaababka loo shaaciyo janalkaaga.
Janalkaaga sidee dad badan ugu soo xidhi kartaa, casharkaan baan kugu sharaxayaa.
Casharka sideedaad: Sidee u buuxin kartaa shuruudaha Youtube
monetization-ka.
Ugu dambeyn waxaan kusharaxayaa waxyaabaha lagaa doonayo si aad u dalbato barnaamijka youtube monetizationka oo ah, barnaamijka xayaysiisyada ee lacagta laga dalbado, waana casharka ugu dambeeya kooraskan
Gabagabo.
Waxaan filayaa inaad ka faaiideysatay kooraskan, kooraskan waa bilaash waxaana kuu taaba galisay Application premier wallet oo ah application aad u isticmaali karto waxkasta oo kusaabsan mobile banking-ka, wixii faahfaahin intaas dheer booqo linkigan: www.caseer.blog/wallet
Hadii ay jiraan wax suaalo ahna, waxaad iigu reebi kartaa qeybta kommentiyada hoose.
48 thoughts on “Kooras bilaash ah #1: SIDEE YOUTUBE JANAL LOO SAMEYSTAA?”
Waa arun ustaad waana ka faaiideysan doonaa i.a
inshalah walal ilahay hakugu guuleeyo
Aad baad umahadsantahay ustaad abaalkaagana janatul firdowsa aclaa allaha ka yeelo
aamiin waaal adiga mudan
Mucalimuu watermark maxey qabataa mahadsanid
Waa sawir yar oo dhinaca hoos midig kasoo baxa
Aad baad u mahadsan thy ustaad
Adiga mudan walalo
Ustad waad mahadsnty ugu horeyn, suaashydu wxa weye program ka aad ku duubtay magaci ado mahdsan casharada.
camtasia la dhahaa walal adigaa mudan
Ustaad arimo ku saabsan copyright ayaan uu bahnay in aad warbixin iga siiso iyo sida loo heli lahaa muqaalo bilaa copyright ah
muuqaal ayaan ka sameynayaa page-ka la soco
Jasakkalah ustaad .
aamiin walalo
macalin wxn ku weydinayaa watermark wata laga dhigo link ee sidee loga dhigaa
tusaale: waxa laga dhigaa subscribe link
Mudo badan baan sugaayey Course kan masha allah
waxan ku rajaynaya inaad ka faaidysato
Adba ugu mahadsantahay caawinta an kala kogsiga kaheyn walal
adiga mudan walal soo dhawaaw markasta
Casharada youtube ku saabsan mala degi karaa download ku sameeyo
haa walaal
Ustaad baa kugu mahadcelinayaa sida wanaagsan aad nugu faaideesay💯 , horey waxbaa bdn ugu garanaayay isticmaalka YouTube, maantana wax badan kale baa kasii faaideestay.. mhdsanid 👏
adiga mudan walal qaali
mashalla Alle wax na anfaca haka yeelo
aamiin walal
sxb waxaan aan ka rabaa qaabka codka loo dubo asgaoo sfc loo dhageesan karo
Micrafoon fiican isticmaal.
Sideen Copyright Ka Aan Uga Badbaadi Karaa
waxaad isticmaashaa muuqaalo iyo codad aan copyright leahayn
Masha Allah mahadsanid ustaad
adiga mudan
Asc ustaad course ka waa raba sidee ugu faideysn karaa
muuqaalada halkan ka daawo
Asc wll marka hore aad baan kaaga mahadcelinayaa course kaas wanaagsan eed na siisay marka labaad waxaan qabaa su’aal. Waxaan maqlay in xawaalada westren union lagu xidho youtube monetizition maxa ka jira arinkaas?
ma umalaynayo inkastoo aanan hubin, balse youtube monetizationka waa inaad joogto dal leh sharuucda bankingka, iyo cashuuraadka kadib baad sameysan kartaa, marka somaliya kuma jirto ilaa hada
Good
thanks
Masha alllah mahdsanid ustaad
adiga mudan walal
Waad mahadsantay, Lkn anigu YouTube Hore Yaan U sameeyay Una Buuxiyay shurudaha. Hal Dhib ayaa jirta Oo Xayaysiinta ayaa la ii diidaa Mar walba Sababtana ma Aqaan
Xalma Haysa?
ma buuxisay shuruudaha xayaysiinta
Sidaad u faah faahisay waa 10000& waad ku mahadsantay
adiga mudan walal shugran
Cabdiraxmaan Caseer, saaxiib aad iyo aad ayaad u mahadsantahay. Alleh hakaa abaaliyo inta aad ii kordhisay, dabcan haddeer marja aan dhammaystay course-kan waxa aad igu dhiirrigelisayba in aan dib boodhka uga jafo Youtube Channel aan samaystay 2017 mar aan xamaasadaysnaa oo aan dusgi sare dhiganayay. Hadaf cad kama lahaye intaan iska abuuraybaan waxa iskagab guray, hadda markaan dhammaystay casharkanbaan dib u booqday bal heerka uu marayo si aan u ogaado mise muuqaalladii aan geliyay qaarbaa10k views iyo 30k viewa gaadhayba. Thanks saaxiib.
aamiin walaal
waan iska waraysan karnaa walaal ee email iisoo dir **@ca**********.com
Mahadsanid sida hagar La’aanta ah ee ad noogu hibaysay mowduuc saa u muhiim ah
Aad baad u mahadsantahay injineer caseer. dhamaan cashirada hal fadhi ayaan ku daawadey waan kaaga mahadcelinayaa fursada aad dhalinyarta siisey iyo sida aad diyaar ugu tahay in aqoontaada laga faaideysto.