Inaad shaqooyinkaaga u kala hormariso sida ay u kala horeeyaan waa arrin muhiim ah oo kaa caawin karta inaad waxbadan qabato, caajiska iyo dib u dhigana kaa yaraynaysa. waxaa jira farsamooyin badan oo aad isticmaali karto, waxaana kamid ah farsamada Eisenhower Matrix oo ah qaab fudud oo lagu soo saaro shaqada muhiimka kuu ah iyo tan aan muhiimka kuu ahayn iyo tan ku mashquulineysa.
Si aad u ogaato waxa muhiimka kuu ah u kala saar hawlahaaga 4tan qeybood.
- Shaqo degdeg ah oo hadana muhiim ah: Halkan waxkasta oo kujira waa shaqo aad u baahantahay inaad qabato waliba waa inaad ugu horeysiiso.
- Shaqooyin aan degdeg ahayn, balse muhiim ah: Shaqooyinkan iyaguna waaku muhiim balse uma baahnid inaad imikadan qabato, marka waxaad sameyn kartaa inaad qorsheyso oo aad waqti u khoondeysato.
- Shaqooyin degdeg ah, balse aan muhiim ahayn: Hawlahaan oo kale waxaad sameyn kartaa inaad qof u dirto si ay kuugu qabtaan.
- Shaqooyin aan degdeg ahayn, sidoo kalana aan muhiim ahayn: Shaqooyinkan oo kale waa kuwa waqtiga kaa cunaya marka iska jooji oo waqti haku lumin.
Halkan kala soo dag waraaq kaa caawin karta inaad shaqooyinkaaga kala qeybiso: TAABO HALKAN