Caajiska badan wuxuu keenaa qofka inuu shaqooyinkii muhiimka u ahaa dib u dhigo sida inuu waxbarto ama shaqo laga doonayo qabsado.
Waxaa jira waxyaabo badan oo keena caajiska waxaa kamid ah in qofku shaqada uu ka baqanayo ama inuusan heysan wax ku dhiirigeliya inuu shaqadaa qabto, waxaan idinla wadaagayaa farsamooyin aad kaga hortagi karto caajiska.
5 farsamo oo aad caajiska iskaga ilaalin karto.
- Shaqada lagaa rabo ama aad qabo isleedahay kala jajabi oo waxyaryar u kala qeybi, Tusaale: hadii aad imtixaan diyaarinayso halkii aad hal kooras wada aqrin lahayd u kala jajabi jabtaro kala duwan, hadana jabtarkasta sii kala jajabi oo inyarba mar aqri.
- Waxaad shaqooyinka u sameysataa waqti kama dambeys ah oo aad ku dhamayso.
- Marka aad hawl yar qabata is abaalmari.
- iska ilaali waxyaabaha ku jeedin kara tusaale: marka aad dooneyso inaad wax aqrisato telifoonkaaga codka ka xir ama iska fogeey.
- waqti nasasho kala dhex geli shaqada: marka aad 30 daqiiqo wax aqriso 10 daqiiqo oo nasasho ah qaado.
2 thoughts on “5 farsamo oo aad caajiska iskaga ilaalin karto 🤯”
Good thanks for the good tips
you are welcome