Qiima dhimista Kuuboonka.

Qiima dhimista noocan ah Soomaalidu ma yaqaanaan laakiin waa muhiim sababtoo ah waxay kugu soo celinaysaa macmiilka wax kaa iibsaday oo waxaad yeelanaysaa xidhiidh joogta ah, taas oo keeni karta marka dambe inaad is barataan oo uu noqdo qof markasta kugu xidhan.

Sidoo kale marka aad qofka macmiilka soo celiso oo inta uu wax kaa iibsado marlabaad kugu soo noqdo waxaa laga yaabaa inaad ka hesho falcelin iyo inuu talo kusiiyo ama cabasho kuu muujiyo ama uu ku yidhaahdo alaabtaada waan ku qancay.

Sidee u shaqeysaa qiima dhimistan.

Qiima dhimistan waxaad sameysanaysaa oo kaliya waraaqo ay ku qorantahay qiima dhimis boqolkiiba intaas ah sida 20%, marka uu macmiilkaasi marlabaad wax kaa iibsado, waxaadna ku xadidi kartaa hadii kaadhkaas laguu keeno inaad iska fiiriso in qofkaas hore waxkaaga iibsaday iyo inkale, sidoo kale waxaad u sameyn kartaa xili uu ku dhaco si aad u koontaroosho waqtiga uu macmiilkaas kugu soo noqon karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *