Marka la joogo shaqadda waxaa jira wax loo yaqaano “Quiet quitting” oo ah in qofka shaqaalaha ahi dareemo in shaqadani uusan mustaqbal fiican ka lahayn ama aan la ilaashanayn oo lagu daneysanayo kadibna uu shaqadii ka qabto inta loogu talagalay ama loo qorsheeyay oo kaliya.
Tani macnaheedu waa shaqaalaha waxay diidayaan inay qabtaan hawlo dheeraad ah, waqti dheeri ah ku shaqeeyaan, ama ay iska xilsaaraan masuuliyado aysan ku jirin heshiiska shaqadooda rasmiga ah. Kaliya, waxay fulinayaan shaqadooda, balse ma sameynayaan wax ka baxsan intii looga baahnaa.
Maxaa keena in shaqaalahaagu shaqada nacaan oo ay Quiet Quitting sameeyaan?
- Daalka Shaqada (Burnout): Dadka haddii shaqada laga badiyo waxaa ku dhaca Burnout oo oo ah daal badan oo dhanka shaqada ah taas oo keenta in qofku shaqada naco.
- Qiimeyn La’aan : Marka qofku dareemo in aan la qiimeynin, wuxuu go’aansadaa inuusan wax dheeraad ah ku darsan shaqadiisa.
- Shaqada oo Aan U Qalmin Lacagta La Siiyo: Haddii qofku u arko in shaqada iyo mushaharka aysan is waafaqsaneyn, wuxuu yareeyaa dadaalka uu gelinayo.
- Kalsooni Daro Shaqada ah: Dhaqanka ganacsiga ee cadaaladda ka fog iyo maamulka xun ayaa sababi kara in shaqaalaha ay sidaan sameeyaan.
- Ka faaiideysi shaqaale: In qofkaan shaqaalaha ah markii hore dano loogaga faaiideystay oo shaqadan uu ku helay qaab xun oo baahidiisa looga faaiideystay.
- Shaqaalaha oo aan la danayn: Sida inaanan la siin tababaro, ama marmar aan lala kulmin, xaflado loo qaban, la xaalwaraysan, waxay keentaa in qofka shaqaalaha ahi shaqada uusan dadaal dheeraad ah gelin.
- Inay Ilaashadaan Noloshooda Shaqsiga ah: Waxay rabaan inay waqti u helaan qoyskooda, noloshooda gaarka ah, iyo caafimaadkooda.
“Quiet quitting” waa dhaqan ay shaqaalahu ku difaacaan naftooda iyaga oo ilaalinaya isku dheelitirnaanta shaqada iyo noloshooda gaarka ah. Tani waxay iftiiminaysaa baahida loo qabo in goobaha shaqada lagu dhiirrigeliyo dhaqanno caafimaad qaba, taasooy shaqaaluhu dareemaan in la qiimeynayo dadaalkooda oo ay helayaan waqti ay ku kobciyaan noloshooda gaarka ah.
Shaqaalaha ku qanacsan goobta shaqada waxay keeni karaan horumar guud oo ah wax soo saar wanaagsan iyo jawi shaqo oo caafimaad qaba. Marka, “quiet quitting” ma ahan arrin laga xumaado, balse waa fursad loo isticmaali karo sidii loo hagaajin lahaa xiriirka shaqaalaha iyo shirkadaha ay u shaqeeynayaan.