Waxkasta oo aad bilowdo markaad inyar wado waxaa jirta wax la yidhaahdo “Dooxadda niyad jabka” oo ah in wixii sidii aad rabtay kuu noqon waayaan oo aad dareento inaadan waxaan wadi karin, dooxadan waa meesha dadka lagu kala miiro, oo lagu ogaado qofka hawshan kasoo bixi kara iyo kan dhaqsada u quusta.
Marka waa inaad kusii tashato in marka hore aad u baahantahay inaad dooxooyinkaa u dhabar adaygto oo aad Ilaahay talo saarato, sidoo kale niyadaada geli in wadada guushu ay tahay mid godod badan oo markasta aad la kulmi karto dib u dhac.