5 arrimood oo ka dhigaya ganacsigaaga mid guuleysta

Bill Gross waa  aasaasaha shirkadda Idealab oo ah shirkad maalgelisa shirkadaha yaryar ee imika soo kacaya, shirkadiisu Idealab waxay soo kicisay ilaa 150 shirkadood.

Muxaadaro uu Bill ka bixiyay Madasha Ted ayaa wuxuu kusoo bandhigay daraasad cajiib ah oo kusaabsan 5-ta qodob ee ugu muhiimsan marka shirkad cusub ay dooneyso inay ku guuleysato suuqa.

Sidoo kale aqriso: Macmiil, sidee inagu soo ogaatay?

Bill waxaa uu daraaseeyay ilaa 200 oo shirkadood oo cusub kuwaas oo isugu jira qaar aflaxay iyo qaar guuldaraystay, waxaa uuna 5taa qodob kusoo koobay, iyagoo u kala muhiimsan sida ay u kala horeeyaan:

  1. Tan ugu muhiimsan waa “Xiliga”: Fikradaadu hadii ay si kasta u wanaagsan tahay oo aanad la imaan waqtigii ku haboonaa waxay keenaysaa inaad ku qasaarto ganacsigaas tusaale: Waxaad keentay fikrad cajiib ah oo dadka u sahlaysa inay si fudud u wada xidhiidhaan iyagoo kala fog, fikradaas oo kale meelna uma dhaqaaqeyso oo dadku imika waxay isticmaalaan barnaamijyo badan oo u sahlaya inay isla xidhiidhaan. 
  2. Kooxda shaqada qabanaysa iyo dhaqaajinta fikradda: qodobkan labaad isaguna waa qodob muhiim ah oo hadii fikradaadu ay hesho team wanaagsan oo isfahmaya oo hami weyn ka leh shirkada waxay u badantahay inay guuleysan doonto fikradaadu.
  3. Fikrada: Haddii fikradaadu ay iska xuntahay xitaa balse aad labada qodob ee sare aad la hesho waxay u badantahay in ganacsigaagu guuleysan doono, balse fikradu laftigeeda waa muhiim inay noqoto mid xalineysa caqabad weyn oo ka jirta halka aad ka bilaabayso ganacsiga.
  4. Qaab dhismeedka ganacsiga: qodobkan isagana waa kuu muhiim inaad u sameyso ganacsigaaga qaab dhismeed uu lacag ku sameyn karo oo macquul ah oo dadka aad ku qancin karto.
  5. Maalgelinta: Dadka qaar baa moodaya in ganacsigu u baahanyahay lacag marka hore balse haddii afartaas sare aanad iska dhisin maalgelintu waxba kuu tari meyso ama way kugu adkaanaysaa inaad hesho qof kugu kalsoonaada oo ku maalgaliya.

Shantan qodob ee aan soo xusnay waxay u kala muhiimsanyihiin sida ay u kala horeeyaan, marka haddii aad bilowdo ganacsigaaga waqti kuhaboon oo baahi badan loo qabo, sidoo kalana aad hesho koox wanaagsan oo kula kiciya ganacsiga, waxaa kuusoo haraya waa inay firadaadu tahay mid xiiso leh oo loo baahanyahay intaas marka hesho waxaa aa dhiman oo kaliya inaad sameysato qaab dhismeedka ganacsiga iyo maalgelin inaad raadiso.

Haddii aad dooneyso inaad daawato muuqaalka uu Bill kaga hadlayo halkan ka eego halkan ka daawo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *