Coding-ku waa mid kamid xirfadaha aad ku baran karto qaab online ah, halkan waxaan idinkula wadaagaayaa 5 qodob oo kaa caawinaya inaad noqoto programmer buuxa.
- Dooro hal luuqad aad ku bilowdo: Si aad u noqoto programmer, waa inaad barataa ugu yaraan hal luuqad oo programming ah, si aad u bilowdo barashada luuqadaas waxaa doorataa luuqad fudud oo la fahmi karo sida Python oo kale.
- Sameey isku day joogto ah iyo tijaabooyin: Si aad u noqoto programmer, waa inaad isku daydaa inaad sameysid barnaamijyo yaryar oo ku saabsan luqadaha aad baratey. Tani waxay kaa caawineysaa inaad barato sida luqadaha programming-ka u shaqeeyaan, iyo inaad sameysid waxyaabo yaryar oo aad ku cabbiri karto aqoontaada.
- Ka qayb qaadashada shabakadaha iyo kooxaha programming-ka: Si aad u noqoto programmer, waa inaad ka qayb qaadato shabakadaha iyo kooxaha programming-ka si aad ula socoto horumarka luqadaha programming-ka iyo inaad ka faa’iideysato talooyinka iyo khibrada dadka kale. Waxaa sidoo kale ka faa’iidi kartaa inaad la kulanto dad kale oo iyaguna baranaya xirfadaas ama ku shaqeeya oo aad la saaxiibi karto, meelaha aad ku biiri karto waxaa kamid ah.
- 1- GitHub.
- 2- Stack Overflow.
- 3- HackerNews.
- 4- Hackernoon.
- 5- Hashnode.
- 6- freeCodeCamp.
- 7- Women Who Code.
- 8- CodeProject.
- Qaadashada koorsooyinka iyo tababarada: Si aad u noqoto programmer, waa inaad qaadataa koorsooyin iyo tababaro ku saabsan luqadaha programming-ka ee aad rabto inaad barato. Koorsooyinku waxay kaa caawinayan inaad barato luqadaha programming-ka si dhammaystiran, halka tababaradu ay kaa caawinayaan inaad barato sida luqadaha programming-ka loo adeegsado si loo sameeyo barnaamijyadda computerka
- Soo bandhigida aqoontaada iyo khibradaada: Si aad u noqoto programmer, waa inaad soo bandhigto aqoontaada iyo khibradaada si aad u muujiso inaad u leedahay aqoon iyo xirfad ku filan luqadaha programming-ka. Tani waxay kaa caawineysaa inaad ku guuleysato shaqooyin programmer-ka ah oo aad rajeyneyso inaad qabato.