Ganacsiyo aad ku bilaabi karto wax kayar 500 doolar.

Dhibaatadda ugu weyn oo ay u adagtahay qofku inuu sameysto wax fudud oo lacag kasoo gala waxaa weeye ISLA WEYNIDA, dadku ma rabaan wax fudud oo lacag macquul laga heli karo ma doonayaan inay shaqooyinka hoose qabtaan, sababtoo ah way yasayaan ama way iskala weynyihiin.

Side hustle-ku qasab ma ahan inuu noqdo wax aad xiiseynayso ama wax quruxbadan oo aan laga xishooneyn, balse waxaa muhiim ah inuu noqdo wax aad lacag ka sameyn karto, oo aanan ka hor imaanayn dhaqankaaga, sharaftaada iyo diintaada.

Waxaan halkan idinkula wadaagayaa 15 fikradood oo aad side hustle ka sameyn karto.

  1. Dhar dhaqista (laundary): Soo iibso 2 ilaa 3 mashiin oo dharka lagu dhaqo, kadibna furo meel laundary ah oo ka jaban kuwa caadiga ah ee ilaa 1ka doolar lagu dhaqo, kadibna kuxayaysii dadka kaligood dagan ee dhalinyarada ah, iyo meelaha kale oo looga baahan karo adeegyadaas.
  2. Qurxinta iyo timaha dumarka: Tan waxay kusoo baxaysaa Dumarka, hadii aad ku fiicantahay makeupka iyo shaqooyinkaas waxaad sameysan kartaa, meel yar oo aad ku bilaabi karto cilaan saarka iyo makeup marinta dumarka kale ee xafladaha iyo aroosyada u socda.
  3. Leebaajo carwash: Ganacsigan kooban waxaad ka heli kartaa lacag macquul ah bishii 500 ilaa 1000+, hadii aad meel suuqleh ka furato, waxaad kale oo ku dari kartaa farsamooyin cusub sida subscription bille ah, ama inaad hay’adaha iyo shirkadaha waaweyn kula heshiiso dhaqitaan joogto ah oo aad goobahooda qof ugu diri karto.
  4. Muuqaal sameeye: Adigoo isticmaalaya telifoonkaaga, waxaad bilowdaa sameynta muuqaalada kadibna ku shub youtube, facebook ama wax lamid ah, kadibna abuur bulsho kugu xiran oo kula socota, kadibna shirkadaha kala heshii inay wax kugu xayaysiistaan.
  5. Social media management: adiga iyo qofkale raadi kadibna waxaad sameysataan agency yar oo aad shirkadaha kaga caawisaan dhanka postingka social mediaha, sameynta designska, iyo xayaysiimaha dhanka social mediaha.
  6. Sawir qaade: Soo iibso kaamarad celis ah, kadibna waxaad samaysataa meel sawirada lagu qaado, ama xafladaha intaad tagto sawiro quruxbadan u qaad dadka kadibna ka iibso.
  7. Macalin noqo: Macalinimada sidii hore ma ahan, hada waxaad sameysan kartaa meelo aad kusoo bandhigi karto casharadaada sida youtube, ama website aad leedahay, sidoo kale waxaad qaban kartaa adeegyo house tutoring ah inaad ardayda guryahooda ku booqato.
  8. Darawal noqo: Tan waxay u baahantahy maalgelin, balse hadii aad heli karto gaadhi kiro ah, ama gaadhi aad adiga leedahay waad bilaabi kartaa, inaad maalintii halgalin ku shaqayso qaad taksi driver ah.
  9. Online wax ku iibi: Suuqa intaa gasho dhawr dukaan lasoo heshii oo alaabaha ay iibiyaan qiimaha ugu hooseeya igaga iibiya ku dheh, kadib facebook soo gali intaad designs qurxoon u samayso, kadibna marka lagaa dalbado, soo iibi qofkana u geey adigana lacag saaro.
  10. Dilaal buy and sell: Hadii aad tahay qof ku fiican wax iibinta, waxaad noqon kartaa qof dilaal ah oo dadka wax u kala iibiya kadibna commision saarta.
  11. Xaflad hagaajinta Event planning: Hadii aad tahay qof kuwanaagsan wax qorsheynta, iyo qurxinta waxaad bilaabi kartaa inaad la heshiiso hoteelada xafladaha lagu qabto kadibna ay kuso sheegaan hadii la kireysto hoolalkooda mid kamid ah oo aad adiguna markaas u bandhigto adeegaaga ah inaad u sameyso qorsheynta xafladaha, qurxintooda, iyo protocolka xaflada.
  12. Door to door marketing: Adiga iyo qofkale waxaad ku heshiisaan inaad shirkadaha u sameysaan suuqgeynta albaab garaacista, kadibna aad usoo qortaan xogta dadka doonaya adeegyadooda, sida internetka, Tv-ga IWM.
  13. Webdeveloper noqo: Booqo shirkadaha aan websiteska lahayn oo ka dhaadhici inaad u sameynayso website quruxbadan oo ay ganacsigooda ku xayaysiistaan.
  14. Saabuun sameynta: Waxaad dalban kartaa saabuun diyaarsan oo xeydh ah oo kiilooyin ah, kadibna intaad ku darto midabo kala duwan iyo caraf, ayaad sameyn kartaa saabuuno kala duwan oo aad ku iibin karto magaalada.
  15. Importing business: Hadii aad helayso xoogaa lacag waxaad bilaabi kartaa soo dajinta alaabaha jumladda ah sida Electronicska, dharka iyo wixii lamid ah, waa ganacsi risk badan leh balse abaalmarin badan leh.

2 thoughts on “Ganacsiyo aad ku bilaabi karto wax kayar 500 doolar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *