3 talaabo oo aad caadooyin cusub oo wanaagsan ku abuuri karto

Caadooyinku waxay kamid yihiin waxyaabaha ugu wanaagsan ee uu qofku noloshiisa horumar ku gaadhsiin karo, waxay kaa dhigayaan inaad waxyaabo badan si autopilot ah u qabato adigoon juhdi galin.

Tusaale: inaad Ilkaha Cadaysato wax culays ah kuguma heyso maalin kasta balse inaad 5 daqiiqo wax aqriso iskuma karaysid maalinkasta, laakiinse hadii aad wax aqrinta caado ka dhigato uma baahanaysid inaad isku dhibto inaad wax aqriso.

Si aad u samaysato caadooyin cusub sadaxdan talaabo raac:

  1. ka dhig dabeecada cusub ee aad dooneyso inaad abuurto mid aad u fudud: Maskaxdenu ma jecla isbadalka dagdag ah iyo culeyska, ma jeclin inaanu wax adag mar qudha madaxa saarano, marka waa inaad tartiib u bilowdaa waxkasta, tusaale: hadii aad dooneyso wax aqriska inaad is barto ka biloow inaad hal daqiiqo maalintii aqriso.
  2. Samayso wax kuxusuusinaya: U fiirso waxkasta oo aad si automatik ah u sameynayso wax ayaa ku xasuusiya, Tusaale: marka aad dooneyso inaad salaad tukato isla markiiba waxaad bilaabaysaa inaad weysaysato ama aad isweydiiso inaad weyso leedahay, oo go’aan kama gaaraysid inaad weysaysato iyo inkale isla markiiba waad bilaabaysaa, waxaa lamid ah marka aad subixi toosto oo aad hore ka Ilkaha ka cadaysato. marka si aad caadadaa uga dhigto mid aanad ilaabin u sameey waqti aad shaqo kale qabanayso sida waxaad dhahdaa marka aan sii seexanayo ee aan sariirto tago hal daqiiqo ayaan wax aqrinayaa, ama marka aan salaada ka baxo waxaan aqrinayaa hal bog oo Quraan ah.
  3. Is abaalmari: waxaad naftaada usheegtaa hadii aan isbuucaan hal jabtar aqriyo waxaan soo iibsanayaa waxaas ama waxaas kadibna nafta abaalmari

Halkan kala soo dag buugga Mini habits taabo halkan.

5 thoughts on “3 talaabo oo aad caadooyin cusub oo wanaagsan ku abuuri karto

  1. Aad iyo aad buu ii anfacay mawduucaan, runtii sanadkaan dhalan doona waxaan rabaa caadooyin badan inaan kusoo kordhiyo naftayda kuwaas oo faaido ii leh sidoo kale adna ustaad mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *