10 Qodob oo kaa caawinaya inaad bilowdo ganacsi cusub.

Inaad ganacsi bilowdo waa wax faa’iido badan kuuleh, waxaa laga yaabaa inaad noqoto qof iskufilan oo noloshiisa horumar fiican gaadhsiiya, sidoo kale inaad ganacsi bilowdo oo aad ku guuleysato waa wax adag oo u baahan dhabar adayg iyo inaadan ka quusan.

Waxaan halkaan kuugu soo koobayaa dhawr qodob oo kaa caawin kara inaad bilowdo kuna guuleysato ganacsi cusub.

Taabo Halkan si aad ula soo dagto buugga “ku bilow ganacsi $100 doolar”

10 Qodob oo kaa caawinaya inaad bilowdo ganacsi cusub

  1. Marka ugu horeysa waxaad raadisaa fikrad baahi loo qabo oo xalin karta dhibaato ka dhex jirta bulshada, sida inaad keento alaabo cusub, ama adeeg baahi loo qabo inaad soo kordhiso.
  2. Marka aad hesho fikrad wanaagsan, waxaad gashaa suuqa, kadibna waxaad sameysaa baaritaan kusaabsan suuqa tusaale ahaan inaad soo ogaato: Dadka kula tartamaya, Qiimayaasha suuqa, iyo Macaamiisha aad dooneyso inaad wax ka iibiso nooca ay yihiin.
  3. Intaa kadib waxaad ka fikirtaa Ganacsigan inaad kaligaa kasoo bixi karto, iyo inaad u baahantahay qof kula bilaaba oo aad qarashka iyo faaiidada isla qeybsataan.
  4. Markaa kadib waxaad sameysataa Qorshaha ganacsiga ee aad ku maamulayso ganacsigaaga, markaas kadib waxaad diyaarisaa xeeladaha hawlgalka ee ganacsigaaga adigoo usii kala qeybinayaa Mid dhaw, Mid dhexe iyo Mid fog, waxaad isweydiisaa 3 bilood kadib maxaan doonayaa inaan gaadho? hal sano kadib maxaa ii qorsheysan? 5 sano kadib maxaan qaban karaa, lacag intee la eg ayaan soo saari karaa?
  5. Raadi qarashka ku bixi kara ganacsigaaga, hadii aad heli karto dad kula maalgaliya ama hadii aad adigu awoodi karto inaad soo uruuriso lacag aad ku bilowdo.
  6. Intaas kadib waxaad diyaarsataa wixii sharci iyo waraaqo ah ee dowladda aad la nooshahay kaaga baahantahay si waxaagu u noqdaan wax jira oo la aamini karo, tani waxay kuu sahlaysaa hadhow inaad hesho adeegyadda qaar ee muhiimka ah sida inaad samaysato akoonadda bangiyadda, iyo waxyaabaha la midka ah.
  7. Kadib waxaad sameysataa Waxkasta oo kusaabsan designadda, sida Naqshadaha xayaysiiska iyo naqshadaha aad ku isticmaali lahayd social mediaha.
  8. Sidoo kale Waxaad sameysataa website aad kusoo bandhigto ganacsigaaga iyo email-o professional ah.
  9. Intaas kadib waxaad sameysataa Xeeladaha suuqgeynta iyo iibka sida Social media marketing, xayaysiisyadda Banaanada lagu soo bandhigo ee boodhadhka iyo stickerska, sidoo kale xayaysiisyadda emailska iyo kuwa Fariimaha dadka loo diro.
  10. Intaas kadib waxaad sameysataa xaflad yar oo furitaana h, waxaadna bilowdaa iibkaaga adigoo kusameynaya qiimeyn joogto ah sida ay wax u socdaan, waxaad qorataa oo aad dabagashaa falcelinta macaamiishaada iyo qaabka wax u socdaan oo idil.

Waxaan filayaa inaad ka faaiideysatay, maxaad isleedahay waan ka tagay bal inagula wadaag qeybta falcelinta ee hoose, sidoo kale ha ilaabin inaad la wadaagto asxaabtaada, Mahadsanid.

11 thoughts on “10 Qodob oo kaa caawinaya inaad bilowdo ganacsi cusub.

  1. In aad ku tallo gasho ganacsiga bilow-giisu in uu yahay challenge iyo wax u baahan samir iyadoo oi ay ku haystaan waxaas oo dhimina waa in aad waliba hagaajisaa oo horu Marisaa adeega aad bixinayso.

    In my opinion

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *