10 Qodob o kaa caawinaya inaad noqoto qof nafsadiisa ku kalsoon

Inaad noqoto qof isku kalsoon waxay kaa dhigaysaa qof waxbadan qabsan kara oo meelkastana gali kara, hadaba hadii aad dooneyso inaad ogaato sida aad u noqon karto qof isku kalsoon. Halkaan waxaan idinkula wadaagayaa talooyin ku saabsan sida aad u noqon karto qof isku kalsoon:

  1. Raadi sababta ay kalsoonidaadu u yartahay: Inaad ogaato sababta aad u leedahay kalsooni la’aan waxay kuu sahleysaa inaad wax ka bedesho.
  2. Guulahaaga xisaabso: Markasta oo aad wax kuguuleysato waxaad is arkaysaa inaad sii dhiiranayso, marka hadii aad dareento inaad liidato waxaad kalsoonida gashataa inaad tahay qofkii hawlahaas oo dhan qabtay.
  3. Kordhi kartidaada: Noqo qof aanu shaki kaga jirin aqoontiisa iyo xirfadiisa oo ku kalsoon kartidiisa, oo aan la gabanayn go’aanada uu soo saaro.
  4. Hagaaji jirkaaga iyo Labiskaaga: Ku dadaal inaad jirkaaga daryeesho, si aad u noqoto qof isku kalsoon oo caafimaad qaba, sidoo kalana labiskiisu wacanyahay oo aan gabanayn.
  5. Hagaaji xidhiidhka dadka kuu dhaw: Hagaaji xidhiidhka dadka aad jeceshahay si aad u hesho taageero iyo dhiiri gelin.
  6. Waxbaro oo horumari aqoontaada: baro qaabab cusub iyo aqoon cusub oo aad shaqooyinkaaga ku horumarin karto.
  7. Muuji waxyaabaha aad ku fiicantahay: Si fiican u muuji waxyaabaha aad xariifka ku tahay oo isku day inaad ku faanto oo aad buunbuuniso.
  8. koontarool shucuurtaada: ku dadaal inaad ka shaqeyso shucuurtaada oo aad la dagaalanto cabsida iyo walaacda.
  9. Qiimeey xaalad kasta: Iska ilaali waxyaabaha aan faa’iidada kuu lahayn ee qalbigaaga iyo jirkaaga ku xadgudba.
  10. Maxaad dooneysaa: Ku dadaal inaad fahamto waxyaabaha aad doonaysid si aad u noqoto qof go’aan leh oo isku kalsoon.

Waxaan idiin rajeynayaa in talooyinkaan ay kaa caawin doonaan sidii aad u noqon lahayd qof isku kalsoon! halkan kala soo dag buugga DOWNLOAD BOOK.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *