8 dabeecad oo ay lahaayeen Asxaabtii Rasuulka ﷺ

Asxaabtii Rasuulka ﷺ ilaahay haka raali noqdee waxay ahaayeen dad nolosha meelkasta ka wanaagsan haday noqoto dhanka cibaadada, la dhaqanka dadka kale, iyo nolosha inteeda kaleba, waxaan halkan idinkula wadaagayaa 8 dabeecad oo ay lahaayeen kuwaasoo ay maalinkasta ku dhaqmi jireen.

  1. Waxay hurdada ka toosi jireen xili hore: Waxay ahaayeen kuwa ilaaliya Salaada subax oo xitaa kahor toosa oo salaatul layl sii tukada, marka inaad hurdada xili hore ka toostaa waxay kaa dhigaysaa qof nolosha ku guuleysta.
  2. Waxay Salaada tukan jireen waqtigeeda: Asxaabtii Rasuulka waxay aad u ilaalin waqtiga salaada iyagoo markasta ku tukan jiray Jamaca.
  3. Aqrinta Quraanka: Saxaabadu waxay aad ugu dadaali jireen aqrinta quraanka, oo waxay u ahayd caado ay maalin kasta caadeysteen inay sameeyaan, sidoo kale way ku dadaali jireen inay xifdiyaan.
  4. Waxay ku dadaali jireen ku dayashada Nebiga ﷺ : Asxaabtu waxay ahaayeen kuwa aad ugu dayda Nebiga oo markasta dhaqankiisa iyo inay wax ka korodhsadaan aqoontiisa iyo siduu u noolaa.
  5. Caawinta dadka kale: asxaabtu waxay ahaayeen kuwa is caawiya oo midka midka kale waxa uu dhaamo ayuu ku caawin jiray sidoo kale waxay ku dadaali jireen inay Dari
  6. Waxay ahaayeen kuwa saamaxaad badan: Asxaabtu dadka qaladka ka gala oo ku xadgudba waxay ahaayeen kuwa iska cafiya oo aan caloosha wax ugu qaban, inaad dadka saamaxaad u fidiso waa caado wanaagsan oo aad kaga dayan karto
  7. Waxay ahaayeen kuwa daacadnimo badan: asxaabta rasuulka waxay ahaayeen kuwa lagu yaqaano daacadnimadda iyo amaanadda, waxay ahaayeen kuwa markasta ilaaliya balanta ay galayaa.
  8. Waxay ahaayeen kuwa sabar badan: ma ahayn kuwa dagdag badan oo cadho badan markasta waxa ay doonayaan way u sabri jireen siday ku heli lahaayeen, wixii ka nusqaamana way u sabri jireen Ilaahay ayayna uga mahadcelin jireen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *