Xayaysiisku xiligan la joogo wuu ka gudbay xiligii la iibin jiray alaabaha iyo adeegyadda ay shirkaduhu iibiyaan ee imika wuxuu marayaa inaad iibiso dareen iyo kalsooni.
Xayaysiisyadda ay shirkadaheenu sameynstaan waxaad moodaa badankood inay Target-ka saaraan dabaqada sare oo ma eegaan xayaysiis ku aadan dhalinyaradda dalka kunool ee dabaqada dhexe iyo hoose ah.
Tusaale: waxaad arkaysaa shirkad weyn oo xayaysiis sameynaysa xayaysiinteedu waa mid nadiif ah oo quruxbadan oo qofka matalaya wuxuu u labisanyahay inuu shirkad CEO kayahay oo kale, wuxuu fadhiyaa cafe VIP ah oo qaali ah oo aan caadi ahayn, wuxuu sitaa Iphone 15 pro max, iyo waxyaabo kale oo aad dareemayso inay premium yihiin.
Laakiin taas waxaa ka dhaw xayaysiintu inay noqoto mid la jaanqaadaysa xaqiiqda jirta ee ku aadan suuqa aad wax ka iibineyso, muhiimadu ma ahan inaad dadka aad wax ka iibineyso u xayaysiiso ee waa inaad dadka qalbiyadooda kasbato oo xayaysiintaadu noqto mid dareen kujiro.
Shirkadaha waaweyn ee xayaysiinta ku hormaray hadii aad u fiirsato sida Coca cola iyo redbull waxay markasta sameeyaan xayaysiisyo iska caadi ah oo aan la qurqurxin oo xitaa aad sidii filin u daawan karto, balse la jaanqaadaya hadba meesha ay ka xayaysiinayaan, laakiin inaga waxaad arkaysaa qof xayaysiinaya bank card ama wax lamid ah oo supermarket ku dhex riixaya “Cart”, horta yaa sidaas wax u iibsada oo soomaali ah, waxaa ka dhaw adigoo tukaan yar oo xaafada ku yaala qof caadi u labisan kaga xayaysiista.
Si aad u kasbato qalbiga dadka aad wax ka iibineyso waa inaad kula hadashaa luuqad ay fahmi karaan oo ay garanayaan oo aad isticmaashaa mawjadooda iyo sida ay wax u iibsadaan.
2 thoughts on “Xayaysiinta casriga ah.”
Waa fikrad fiican ustaad 👏👏
Ha