5 sababood oo ay muhiim u tahay inaad yeelato cinwaan Bangi

Inaad yeelato cinwaan bangi waxay kaa caawinaysa waxyaabo badan oo aanad ogeyn, waxaan idinla wadaagayaa shantan sababood ee aan isleeyahay aad ayay muhiim u yihiin.

  1. Bangigu wuxuu kusiinayaa Credit: Haddii aad lacagahaaga oo dhan mariso bank ama aad dhigato bank, waxaad yeelanaysaa warbixin fiican oo cadaynaysa inaad dhaqaale ahaan tahay qof isku kalsoon, taas oo kaa caawin karta inaad ku hesho Fiisooyinka, Deemaha IWM.
  2. Waxaa uu kuu ilaalinayaa lacagahaaga: Haddii aad lacagahaaga dhigato bank waxay taasi kaa caawin kartaa inaad ku ilaashato lacagtaada oo aan lagaa xadin, ama aysan kaa guban.
  3. Bangigu wuxuu kaa ilaalinayaa lacagtaada: Markasta oo lacagtaadu kaa fogaato waa markasto oo ay kaa badbaado, sababtoo ah hadii lacagtaada aad jeebka kusidato ama telifoonka, waxaa kuu fududaanaya inaad cunto.
  4. Waxaad qeyb ka noqoneysaa dhaqaalaha wadanka, sababtoo ah waxaa laga yaabaa lacagtaada inuu bangigu maalgelin u isticmaalo oo ay kaabto dhaqaalaha dalka.
  5. Bangigu wuxuu awood kuusiinayaa lacagtaada inaad meelkasta oo caalamka aad ka joogto heli karto.

Waxaad kale oo aqrisan kartaa: Maxaad ugu baahantahay inaad heysato kaadhka lacagaha ee online-ka

One thought on “5 sababood oo ay muhiim u tahay inaad yeelato cinwaan Bangi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *