Buuggan “The Psychology of money” by Morgan Housel. waa buug aad u wanaagsan marka ay noqoto fahamka lacagta iyo dhaqaalaha, waa buug waxbadan kaaga tilmaami doona sida aad noloshaada ugaga dhigi karto mid dhaqaale ahaan dagan oo horumarsan.
Waxaan idinla wadaagayaa 5 shey oo aan ka faaiiday buugga “The Psychology of money” by Morgan Housel.
- Ka fikirka mustaqbalka, Buuggan waxaa uu ku barayaa inaad yeelato aragti fog marka aad ka dooneyso inaad keyd sameysato, tusaale ka fikir mudo dheer iyo lacag yar inaad uruursato sida: Inaad uruursato 200 doolar bilkasta mudo 30 sano ah waxay u dhigantaa lacag dhan 72,000 oo doolar oo keyd ah.
- Walwalka dhaqaaluhu kuma xidhna oo kaliya stresska uu qofku ka qaado lacag la’aanta balse waxaad u baahantahay inaad barato sida laysku koontaroolo markaad lacag heysato.
- Buugan waxyaabaha cajiibka ah ee aan ka bartay waxaa kamid ah farqiga u dhaxeeya Taajirnimadda iyo Hantiilenimada, muhiimadu ma ahan inaad taajir noqoto ee waa inaad hantiile noqotaa
- iibso waqtigaaga, waa waxyaabaha aan ka bartay buuggaan, fikradaan waxaan ku arkay buugga the four hour work week ee uu tim ferris qoray, waxay ku odhanaysaa inaad lacagtaada u isticmaasho inaad waqti badan hesho, oo aad mashquulka iska yarayso, waa in lacagtaadu kuu iibin kartaa waqti iyo madaxbanaani aad meelkasta ka shaqeyn karto.
- isqari si aad ugaga badbaado waxyaabo badan, haddii aad si doqonimo ah u muujiso hantidaada waxay soo jiideysaa waxyaabo badan oo aan kuu wanaagsanayn, markasta is dhuldhig adigoon bakheylnimo saaid ah muujineyn.
- Iska ilaali taajirnimadda dagdag ah sida inaad maalgashato waxyaabo khiyaano kujirto oo ku odhanaya lacag badan dhaqso u sameey.
- iska ilaalinta halisaha dhaqaale sida deemaha badan, qarashgareynta lacagaha sida saaidka ah, iyo inaad ku noolaato inkabadan inta kusoo gasha.
Buuggan haddii aad dooneyso waxaad kala soo dagi kartaa halkan: Download book