waxyaabaha badanaa sababa inay ganacsiyadda yaryar ee Soomaalidu hore u kacaan.

Marka dhisme cusub laga dhiso meelaha suuqyada ama wadooyinka hadii aad is dhahdo kireyso waxaa lagu dhahayaa guriga markii la bilaabay aasaaska ayaa lasii qabsaday oo la kireystay.

Marka dhismaha sidaas loo dhameeyo waxaa laga furayaa meherado badan oo waaweyn oo aad loo qurxiyay, oo hadii aad qaarkood u fiirsato decorationka iyo naashnaashka lacagta lagu bixiyay ka badanatahay alaabta meesha u taal.

Kadib waxaa dhacaysa in sanad intaan la gaarin meheradahaas badankood la xiro oo qaarkale soo galaan.

Markaan u fiirsaday arimahaas waxaa iisoo baxay dhawr qodob:

  1. Ganacsatada Cusub ma sameeyaan daraaseyn badan inta aanay bilaabin ganacsigaas.
  2. Waxay si qaldan u isticmaalaan hantida ay markaas heystaan, tusaale: in lacag badan lagu bixiyo waxyaabo aan aad muhiim ugu ahayn bilowga ganacsiga, sida xafiisyo quruxbadan, naqshadeyn qaali ah, iyo shaqaale mushahar badan kaa doonaya.
  3. Aqoonta qofka ganacsiga bilaabaya oo aan dhamaystirneyn waliba dhanka maamulka iyo maaliyada ah.
  4. Ganacsiga oo aan loo sameyn qorshe guud, mid dhaw iyo mid fogba. taas oo keenaysa in qofku siduu wax u arko u sameeyo isagoon lahayn shuruuc iyo qorshayaal u diyaarsan.
  5. Aragti la’aan hadii aad ganacsi bilaabayso waa inay kuu sawirantahay 5 sano kadib halka aad gaadhi doonto, hadii kale waxaa dhacayso in qofku si fudud ku quusto hadii ay dhibaatooyin ka horyimaadan.

Hadii aad tahay qof doonaya inuu ganacsi bilaabo waxaad xog fiican ka raadisaa websitekan: www.bplans.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *