wanaag sameey wanaag baad la kulmi doontaa.

Sameey wax wanaagsan inyarba ha ahaatee adigoon abaalmarin ka raadin, waxaa hubaal ah inaad heli doonto abaalmarin u dhiganta toban laabka intii yarayd ee aad samaysay.

Tusaale yar: hadii aad tahay arday dhigta iskuul ama jaamacad, samayso facebook page, kadibna ardayda fasalka kula dhigata isoo follow-gareeya ku dheh, kaliya waxaad page-kaas soo galisaa casharada aad qaadataan oo summary leh, ama daraasado kusaabsan waxyaabaha la idin dhigay, ama inaad ardayda xusuusiso wixii assignment ah ee la idiin diray ama in aad u sameyso meel ay kala dagi karaan casharada.

Maxaad ka faaiideysaa:

1. Marka hore waxaan aad baranayso si fiican ayaad u fahmaysaa.
2. Inaad page-kaas wax soo galiso waxay kugu keenaysaa inaad sameyso dadaal ka badan inta aad wax aqrinayso.
3. Waxaad noqoneysaa qof muxtarim ku ah ardayda kale oo markasta abaal kaleh agtooda.
4. waxaa laga yaabaa inay kuu noqoto networking fiican oo aad dad awoodo leh ku barato hawshaas.
5. xitaa waxaad qaban kartaa tababaro gaar ah oo aad lacag ku qaadato.

6. iyo inkale oo aan la ogeyn oo ka badan intaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *