Suuqgeyntu waxay kamid tahay qeybaha ugu waaweyn ee ganacsigu leeyahay waana mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee la doonayo in la iska hagaajiyo si ganacsigaasi horumar fiican u gaadho.
Waa talaabooyin is xigxiga oo lagu doonayo in macaamiisha lagu gaadhsiiyo addeegyadda iyo badeecooyinka shirkadi iibineyso iyadoo loo marayo qaabab farsamaysan oo bulshadda soo jiidanaysa.
Haddii aan sikale u dhigno, suuqgeyntu muhiimadeeda ugu weyni waa inaad marka hore fahantaa waxa dadku doonayaan, qaasatan dadka aad dooneyso inaad wax ka iibiso ee shiishka kuu saaran, kadib marka aad fahanto, waxaa kuu xiga inaad gaadhsiiso waxa aad iibineyso adigoo u maraya wadooyin xiiso leh oo qofka soo jiidanaya.
Haddii Suuqgeyntaadu wanaagsanaato waxaad arki doontaa hormar badan oo ganacsigaagu sameynayo waxaana ugu waaweyn waxyaabah isbadali doona:
- Ganacsigaagu wuxuu noqonayaa mid caan ah: Markasta oo aad suuqgeynta toosan sameyso waxaa kor u kacaysa Sumcadda shirkada oo dad badan ayaa kugu baraarugi doona.
- Waxaa kor u kac weyn ayaa ku iman doonaa iibkaaga: Marka aad suuqgeyn sameyso waxaa kor u kacaya dadka aad gaadhayso, dadkaas oo laga yaabo marka dambe inay macaamiil kuu noqdaan.
- Waxaa kor u kacaya xidhiidhka adiga iyo macmiilka idiin dhaxeeya: Waxaa jirta qeyb dhan oo suuqgeynta kamid ah oo shaqadeedu tahay xidhiidhinta macmiilka, taas oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo xidhiidhka adiga iyo macmiilka idin dhaxeeya si uu kor ugu kaco kalsoonida uu macmiilku kugu qabo.
- Kor u kac dhanka faaiidada ah: Marka aad ismuujiso oo dadku ku bartaan oo ay kuu yimaadaan oo aad wax ka iibiso, kadibna aad wanaajiso waxaa kor u kacaya inta jeer oo uu qofkaasi wax kaa iibsan doono mustaqbalka waxaana kor u kac weyn ku imanayaa faaiidada kusoo galaysa.