Waxaan arkay dhalinyaro badan oo ila soo xiriiray kuwaasoo dhibaato weyni ka heysato wax aqriska, iyagoo iisheegay inay waxaqriska iska joojiyaan markay laba maalmood wadaan.
Waxaan doonayaa inaan idinla wadaago hal qodob oo kaa caawin kara inaad waxaqriska kordhiso oo aad isjeclaysiiso.
Iska ilaali “Firikshanka” ama isjiidjiidka, oo micnaheedu yahay si aad wax badan u aqriso waa inaad meesha ka saartaa waxkasta oo keeni kara inaad dhibsato wax aqriska oo aad kadibna ka meeraysato.
Marka sidee ayaan firikshanka isaga ilaalin karaa.
- Marka hore buugaagta aad aqrineyso ha noqdaan qaar aad xiiseynayso, oo aad ku faraxsantahay inaad aqriso oo xiiso leh, waliba aniga waxaan kugula talin lahaa inaad ka bilowdo buugaag gaagaaban oo aad xiiseynayso oo aad hore u dhamayn karto xitaa hadii ay noqdaan kuwo sheeko ah.
- Yareey waqtiga aad gelinayso marka aad cusubtahay, ku biloow maalintii 5 daqiiqo inaad aqriso, dhalinyaradda ugu badan ee aan arkay waxay isku dayaan inay iyagoo bilow ah ay ku bilaabaan 30 daqiiqo oo wax aqris ah taas oo keenaysa inuu qofku markiiba dhibsado oo uu naco wax aqriska.
- U sameey waqtiga wax aqriska xili aanad mashquuleyn oo aad adiguna diyaar u tahay Tusaale: ha dhihin waxaan wax aqrinayaa xiliga shaqada taas oo laga yaabo inaad wax ku mashquusho marka raadi xili aad firaaqo fiican leedahay oo badanaa ay yartahay inaad wax kale ku mashquusho.
- Ha isa saarin culeys, tan waxaan ugaga jeedaa inaad culeys cusub isku soo kordhiso si aad wax u aqriso Tusaale: ha dhihin waxaan soo kacayaa berito xili hore si aan wax u aqriyo, taas oo keenaysa inay culeys kugu noqoto oo aad nacdo wax aqriska.
- Sameyso dad aad isla bilowdaan wax aqriska oo iyaguna ay xiiseynayaan, dadkaa waa isku dhiirigelin doontaan wax aqriska sidoo kale hadii ay jirto maalin aad caajistahay waxaa laga yaabaa inay kugu dhiirigeliyaan.
- Soo gudbi aqoonta aad korodhsatay oo la wadaag dadka ugana faaiideey adigoo sii daraaseynaya, tani waxay keenaysaa inaad adiguna wixii aad aqrisay aad si fiican u fahanto sidoo kalana ay dhiirigelin kuu noqoto marka aad aragto asxaabtaada oo adiga wax kaa faaiidaya oo kuu mahadcelinaya.
Qormadeena intaas ayay ku egtahay maxaad ku dari lahayd adiga?