Sideen ku ogaan karaa inaan nafteyda lugooyo ku ahay?

Mararka qaar inagoo damacsan inaan nafteena horumar la tiigsano ayaanu hadana nafteena lugooyo ku nahay waliba inagoon is ogeyn oo isku heysana inaan dadaal iyo horumar sameynayno, waxaan halkan idinkula wadaagayaa 4 arimood oo qofka ka dhigaya mid naftiisa lugooyo ku wada oo aan horumarna gaadhsiineyn.

Waxkasta oo aad bilowdo ma dhamaysid

Waxaa kuu yaala ugu yaraan 10 mashaariic oo aad midkasta meel dhexe ugaga tagtay oo aanad dhamayn, maalinkasta mashruuc cusub ayaad ku dulfurtaa mashruuc kale oo hore kuugu socday markaasaad kaana iska dhaaftaa oo aad qabyo kaga tagtaa, waa mid kamid ah dabeecadaha ugu waaweyn oo ay dadka naftooda lugooya leeyihiin oo ah inay iyagoo dhan wada qabyo yihiin oo ay maalinba mashruuc cusub bilaabaan iyagoo midkalana qabyo kaga tagay.

Marka aad wax cusub bilowdo waad isku weynaysaa

Talaabada Labaad ee keenaysa inaad hawshaan ku fashilmi doonto ayaa ah marka koowaadba waad isku balaadhinaysaa oo waxaad ka dhiganaysaa shaqo weyn oo balaadhan kadibna waxaad kusoo daraysaa waxyaabo badan oo aan daruuri ahayn kuwaas oo hadhoow kugu keenaya inaad hawshii weynaysato oo ay maskaxddaadu dareento inay shaqadaan ku culustahay kadibna aad halkaa ku joojiso shaqadaas.

Hawlo badan ayaad isku wada furtaa

Waxaad dooneysaa inaad halmar dhawr mashruuc kawada shaqeyso oo aad maskaxdaada kala qeybiso dhawr hawlood oo kala duwana isku wada qabato, waliba adigoon hal shaqo meel fiican ka istaagin oo aanad heer fiican ka gaadhin shaqadii hore ayaad hadana mid kale oo cusub oo bilow ah ka dhinac furaysaa.

Si fudud ayaad ku quusataa

Marka aad wixii isku weynayso, oo aad hadana waxyaabo kale ka dhinac bilowdo waxaa imanaysa inaad markii dambe aad is tidhaahdo: waxaan maba qaban karo ee aan dib u yar dhigto kadibna marka aad dib u dhigto waxaa imanaysa inaad iska dhaafto oo aad hawlihii kale ee aad ka dhinac bilowday mid kamid ah aad u wareegto oo aad iyaga ku mashquusho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *