Sidee caado xun loogu badalaa caado wanaagsan

Caadooyinka xunxun waxay qofka ku keenaan inay nolosha kahor istaagaan horumaro badan uu qofku gaari lahaa iyagoo xitaa laga yaabo inay caafimaad ahaan jir iyo maskaxba dhibaato weyn kuu keenaan, sidoo kalana waqti badan iyo tamar badan kaa lumiyaan.

Marka maxaa qasab ka dhigay inaanu wali sii lahaano caadooyinkaa xunxun? sidoo kale macquul matahay inaan wax ka qabano? waa waxyaabaha aan qormaddan kaga hadli doono.

Caado kasta oo xun waxaa sababa inuu qofku la qabsado ama ay u samaysanto laba shey Caajis iyo Walwal (Stress)

Inta badan caadooyinka xunxun labadaas uunbaa keena qofka inuu sameysto, waad caajistay waxaad baratay oo caado ka dhigatay inaad mobile-kaaga isku mashquuliso oo caado ka dhigato inaad Tiktok daawato, ama warwar iyo stress baa kugu dhacay waxaaad bilowday inaad sigaar cabto oo aad caado ka dhigato.

Marka sidee baad caado xun isaga joojin kartaa?

Horta ma u baahnid inaad caado xun iska joojiso ee waxaad u baahantahay inaad caadadaas xun ku badasho midkale oo wanaagsan booskeeda marka sidee baad ugu badali kartaa?

  1. Dooro caado aad ku badasho tan xun ee aad badalayso: Tusaale hadii aad tiktok gasho marka aad sii seexanayso ama marka aad caajisto, kubadal inaad app kale oo buugaagta lagu aqristo kushubato taas oo aad furto marka aad tiktok gal is dhahdo.
  2. Iska ilaali waxyaabaha caadadaas xun ku xusuusiya: Haddii ay caado kuu tahay inaad filimaanta xunxun daawato, iska ilaali inaad kali noqoto inta badan oo kaligaa meel isku soo xirto.
  3. Xaalada caadadaas waxa kugu kalifay badal: Tusaale hadii aad caajis badan tahay ama cidlo tahay isku day inaad isa soo mashquuliso oo aad banaada u baxdo ama soo yar sheekeysato.
  4. Raadso dad aad caadadaan xun isla joojisaan: sida qof aad asxaabtihiin oo aad isku dhiirigelisaan.
  5. Qorsheyso guuldaro: Mararka qaar wax way kaa xumaan kartaa ama caadadii xumayd inaad sameyso laga yaabaa, Laakiin sii qorsheyso inay kugu dhici karto, oo ha niyadjabin kadibna waxqabadkii dhamaa ha burburin.

Shantaas qodob waxaan isleeyahay waxay kaa dhigi kartaa inaad caadooyin badan oo xunxun ku badasho kuwa kale oo wanaagsan oo aad laba laab faaiido weyn naftaada usoo kordhiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *