Marka aad dooneyso inaad ka dhigto maalintaada maalin aad guulo badan ka gaadhay qeybo badan oo kamid ah noloshaada, waxaad u baahantahay inay jiraan shaqooyin muhiim kuu ah oo aanad ka kaftamin kana gorgortamin! maxaan ugala jeedaa? waxaan kawadaa waa inay jiraan shaqooyin aan dib loo dhigi karin, la iska dhaafi karin oo qasab ku ah inay naftaadu qabato.
Maxaa kamid noqon kara shaqooyinkaas?
- Inaad tukato salaada waqtigeeda, waa mid kamid ah hadii aysan aheynba tan ugu muhiimsan marka qofku doonayo inuu maalintiisa kuguuleysto, ha ogolaan in lagaa mashquuliyo oo buuq lagaa galiyo ama aad waxkale ku badalato si aad dib ugu dhigto.
- Wax aqriska, qofku inuu maalintii inyar xitaa wax aqriyo waa inay ugu jirtaa liiska shaqooyinka aan laga kaftamin oo muhiimka u ah, waa muhiim maalintii inaad inyar xitaa aqriso
- Inaad sameyso jimicsi maalin kasta oo aad dabeecad ka dhigato iyaduna waa muhiim, isku day inaad ku aadiso waqti mashquulkaagu yaryahay oo aan lagaa jeedin karin sida subaxdii hore ama xiliyada duhurada oo kale.
- Seexo xili hore, inaad xili hore seexato waa mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan aad naftaada bari karto, sababtoo ah marka aad hore u seexato caafimaadkaagana waad ilaalisay, sidoo kale maalintaada soo socotana si firfircoon ayay kuugu bilaabmeysaa.
Sameyso liis aad ku qorto shaqooyinka aanad ka kaftami karin ee qasab kugu ah inaad qabato, kadibna bar naftaada inay shaqooyinkaa qabato maalin kasta.