Shaqada iyo waqtiga loo qoondeeyey xidhiidhka ka dhaxeeya

“Shaqadu waxay buuxisaa hadba inta waqti ah ee loo qoondeeyey.” waa arragti uu leeyahay nin la yidhaahdo C. Northcote Parkinson waa arragti run ahaantii noloshayda waxbadan ka badashay, haddii aad dooneyso inaad hawlqabato kala jarjar waqtiga tusaale 25 daqiiqo oo aanad soo jeesan shaqeey naso 5 daqiiqo.

Muhiimadu waa diiradda (Focus) 25 daqiiqo oo aad soo wada jeesato waxay u dhignaaan doontaa 2 saacadood oo iska dabawareeg ah.

Haddii aad isbarto inaad diiradaada soo jeediso maalintii oo dhan waxaad u baahantahay waxkayar 2 saacadood inaad ku qabato 8 saacadood shaqo lagaa doonayay.

Markasta xusuuso: “SHAQADU WAXAY BUUXISAA HADBA INTA WAQTI AH EE LOO QOONDEEYEY!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *