Shanta tiir ee ganacsiga: Ganacsi walba ee guuleystay wuxuu abuuraa wax qiima leh oo loo baahanyahay, Waxaa buuxa fursado badan oo bulshada aad la nooshahay looga faaiideyn karo, hadii waxa aad iibineyso aysan ahayn wax loo baahanyahay oo suuqleh, oo aanad qiima abuurin, ganacsigaagu ma soconayo oo bilaa macmiil baad noqoneysaa, ugu dambeyna waad ku qasaaraysaa.
waxaa jira 5 tiir oo muhiim ah marka la joogo ganacsiga, kuwaas oo kala noqonaya:
Liiska Shanta tiir ee ganacsiga
- value creation: Wax qiima leh oo la abuuro, inaad soo hesho wax dadku rabaan ama baahi u qabaan kadibna aad baahidii wixii lagu xalin lahaa oo qiimo leh iibiso.
- Suuqgeyn: inaad samayso soo jiidasho sidoo kalana dhisto dalabaad ku saabsan baahida aad dooneyso inaad xaliso si dadku u gaadho fariintaada.
- Iibin: inaad dadka aad soo jiidatay ama dadkii danta kasoo gashay waxyaabaha aad iibineyso ka iibiso oo aad macaamiil u badasho, adigoo ku qancinaya inay wax kaa iibsadaan markasta.
- Wareejinta qiimaha aad abuurtay: inaad macaamiishaada siiso oo aad u gudbiso wixii aad ka balan qaaday, sidii aad uga balanqaaday kaana gudoomaan iyagoo qanacsan.
- Dhaqaale: Inaad soo xarayso dhaqaale kugu filan si aad hore ugu sii socodsiiso ganacsigaaga.
SII AQRISO: 10-kaan shay ku dhaqaaq inta aad kujirto da’da labaatameeyada
Hadii shantaa mid kamid ah laga saaro meesha, ganacsigaasi ma socon doono. Marka aad qorsheynayso ganacsi cusub ama aad dooneyso inaad qiimeyn iyo waxkabadal ku sameyso ganacsi hore u jiray markasta ka biloow shantaa qodob inaad isweydiiso, waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato waxyaabo badan oo kusaaban ganacsigaaga.
Reference and more of these ideas at: The personal MBA
6 thoughts on “Shanta tiir ee ganacsiga.”
Thanks 👍😊
adiga mudan
Mahadsanid ustaad ❤️
ADIGA MUDAN
Zhp waxaan kaa helaa warbixino ganacsi oo lagu horumarin karo ✋ madax sare