6 Software oo aad kireyn karto (Software As Service)

Waxaan doonayaa inaan halkan idinkula wadaago 10 system oo SAAS (Software As A Service) ah oo aad lacag ka sameyn karto adigoon hawl badan gelin, oo si fududna ugaga shaqeysan karto.

  1. Ma ogtahay in shirkadaha badankood dhibaato ka heysato maamulka shaqaalaha, waxaad shirkadaha ka kireyn kartaa system HR ah oo bishii ay 10 doolar iska bixiyaan, hadii aad hesho 50 shirkadood waxaad bishii ku tashan kartaa ugu yaraan 500 oo doolar, hadii aad rabto system shaqadaas kuu qaban kara halkan ka iibso adigoon wax aqoon programming ah u baahnayn ayaad bilaabi kartaa: HRMGo SaaS – HRM and Payroll Tool
  2. Business and Accounting management software: Waa barnaamij loogu talagalay in lagu maamulo ganacsiyadda, waxyaabaha uu qabanayo waxaa kamid ah. in macaamiisha lagu maamulo, in xisaabaadka lagu maamulo, suuqgeynta, iibka iyo xitaa qorshayaasha ganacsiga si aad u bilowdo ganacsigan waxaad u baahanthay, inaad isticmaasho barnaamijkan diyaarsan ee loo yaqaan iBilling – CRM, Accounting and Billing Software
  3. Waxaad sameysaa systemo isku xidhxidhan oo hal domain leh, Tusaale yar aan idin siinayaa waxaad tagaysaa Mall ay kuyaalaan ugu yaraan 20 dukaan, kadibna waxaad ku odhanaysaa maamulka mall-ka waxaan idiin samaynayaa hal system oo dhamaan dukaamada ay kusoo bandhigi karaan alaabtooda, adigoo sub domain kala siinaya tusaale: mallka waxaa la dhahaa CaseerMall kasoo qaad, waxaad u iibineysaa hal domain oo ah www.caseermall.com, kadibna dukaamada midkasta hal subdomain ayaad siinaysaa sida rasmi.caseermall.com, kadibna midkasta bishii 10 doolar ka qaado, halkaas waxaa kaaga soo dhici kara 200 ilaa 500 oo passive income ah. hadii aad u baahantahay saas waxaas kuu qaban kara waxaad iibsataa kan: storego online store builder
  4. QR menu maker sameey: kan waa menu online ah oo maqaayadaha iyo huteeladu isticmaali karaan, halka ay waraaqo dadka u geyn lahaayeen waxay sameysanayaa Qr kadibna, halkaas ayay macaamiishu ka dalban karaan, adigana bishii huteel kasta 20 doolar ka qaado ilaa 30 huteel waad ka iibin kartaa bil kastana waxaa ku tashanaysa ilaa 500 – 700 oo doolar. hadii aad dooneysid saas waxaas kuu qabta waxaad isticmaashaa QR MENU MAKER
  5. Online whatsapp ordering system: systemkaan waxaa ka iibin kartaa shirkadaha supermarkets-ka, kuwa pizzaha iibiya, maqaayadaha, huteelada iyo meelaha macmacaanka lagu iibiyo. siduu u shaqeeyo waa simple waa system ku xidhan whatsappka oo qofka markuu wax iibsanaayo whatsapka meherada toos ugu diraayo dalabkiisa halkaasna laga dhamaystiri doono iibka, Soomaaliduna waa dad intabadan whatsappka wax ku dalbata systemkaan waxaad ka iibin kartaa ganacsi kasta oo si tafaariiq wax u iibiya bishii hadii aad ku kireyso 10 doolar oo aad 200 oo ganacsi hesho waa 2,000 oo doolar oo adigoo gurigaaga jooga kusoo gali karto, hadii aad rabto system noocaas ah waxaad soo tijaabisaa: WhatsApp Food – SaaS WhatsApp Ordering
  6. whatsapp marketing api saas: systemkan waxaa lagu iibiyaa $90 oo kaliya, waxaadna u isticmaali kartaa inaad shirkadaha ka iibiso API whatsapp ah oo bishii aad inta massage ay diraan ka iibiso tusaale hal senti halkii massage, hadii aad rabto barnaamijkan kan oo kale waad ku bilaabi kartaa: WASender – Whatsapp server and bulk sender (SAAS)

waad mahadsantihiin ha ilaabin inaad la share-garayso asxaabtaada, wixii faalo ahna xagga hoose noogu dhig

8 thoughts on “6 Software oo aad kireyn karto (Software As Service)

  1. Suaal
    System yadan markaan iibsado ma anigaa sii kiraynaya?
    Hadii aanan ahayn programmer ama Web designer ama wx ku tacaluqa sideen u fahmayaa qaabka ay u shaqaynayaan oo aan ugu soo bandhigi karaa client kayga?

    1. inta badan softwareskaas aad iibsanayso waxa la socdo documents ku caawin kara iyo qaabka loo setup gareeyo, sidoo kale waxaa la socda 6 bilood oo support ah in lagu caawiyo wixii kaa xumaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *