Qalab teknoolojiyadeed oo aad u baahantahay #1

Qalabkan yar waa qalab qofkasta ku qasbanyahay inuu heysto, waa external disk sida falaash oo kale ah oo qaadaya ilaa 500GB ilaa 4000GB.

Sababaha uu muhiimka u yahay waxaa kamid ah

  1. Waa waxyar oo qafiif ah oo meelkasta lagu ridan karo.
  2. Xawaarihiisu aad ayuu u dheereynayaa oo wuxuu gaari karaa inuu halkii GB ilbiriqsiyo kudiro.
  3. Waxaa uu ku dhisanyahay Teknoolojiyadda Solid state oo way adagtahay inuu xogta kaa lumiyo xitaa hadii uu dhulka kaaga dhaco
  4. Waxaad ku isticmaali kartaa telifoonkaaga, computerkaaga xitaa kaamaradaada.
  5. Waxaa uu kuu heynayaa xogta xasuusta ah sida Sawirada Reerka iyo xogaha personal-ka ah.
  6. Waxaa uu isticmaalaa teknoolojiyadda USB C oo meelkasta waad ku xidhiidhsan kartaa.
  7. Waxaad ku keydsan kartaa xogaha sirta kuu ah oo wuxuu leeyahay encryption aad folderska qaar xidhan karto.
  8. Qalabkan malahan wax wareegaya oo dhexdiisa ku jira oo ma sameynayo wax cod ah.
  9. Haddii aad tahay Editor ama Gamer waxaad toos uga dhex isticmaali kartaa xogta kujirta adigoon kasoo wareejin.
  10. Berigii hore qaali ayuu yara ahaa laakiin imika aad ayuu usoo jabay.

Waa qalab qofkasta oo dunidan casriga kunool u baahanyahay inuu heysto haddii uu awoodi karo, haddii aad u baahantahay qalabkan yar waxaad ka heli kartaa badanaa meheradaha lagu iibiyo qalabka Teknoolojiyadda, kaliya waxaad ku tidhaahdaa “External SSD drive” kadib noocyadda Sandisk ama Samsung ka iibso, qiimihiisu 1TB waa meelaha 80 ilaa 90 Doolar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *