Ninka ugu Taajirsan Babylon waa buug uu qoray George S. Clason, waa buug caan ah oo ka hadla hantida iyo sida qofku lacag badan usameyn karo inta uu noolyahay, halkan ka aqriso waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu buugaas xambaarsanyahay.
- Marka hore is abaalmari: Qodobkan wuxuu ku odhanayaa waa inaad keydsato 10% dhaqaalaha kusoo gala kahor inta aanad waxkale bixin oo aad ugu horeysiiso keydsiga. Markasta oo aad qeyb kamid ah dhaqaalahaaga keydsato waxaad si tartiib tartiib ah u dhisanaysaa hanti.
- Kunooloow inkayar inta kusoo gasha: Si aad hanti u yeelato, waxaa muhiim ah inaad qarashaadkaaga koontaroosho, oo aad isticmaasho inkayar inta kusoo gasha. Iska ilaali nolol dhaldhalaal badan oo wada qarash miiran ah si aad wax meel u dhigan karto.
- Kashaqeysii lacagtaada: Maalgashigu waa muhiim marka la doonayo in hanti la sameeyo, inta lacagtaadu meel iska fadhin lahayd hakuu shaqeyso, raadi qaabab wanaagsan oo aad iska hubisay oo aad lacagtaada u maalgashan karto.
- Aqoontaada dhaqaale kordhi: Waa muhiim inaad raadiso cilmi kusaabsan lacagta iyo hantida waliba markay noqoto diiniyan waxaa muhiim ah inaad fahanto sharciyada lacagta iyo waxyaabaha xaaraanta ah iyo wixii sax ah.
- Ilaasho hantidaada: Waardiye adag ka gal hantidaada oo ka ilaali maalgashiga iyo deemaha halista ah ee aad bixin karto, markasta isla soco oo hubi xaaladaha lacagtaada iyo hantidaada.
- Kordhi dhaqaalahaaga iyo aqoontaada: Si joogta ah u hormari naftaada, aqoontaada, xirfadaada, mushaharkaaga, ganacsigaaga si aad u kasbato hanti badan.
- Bixi sadaqo badan: Markasta oo aad waxbixiso waa markasta oo uu Ilaahay kuu barakeeyo hantidaada qodobkan buugga kuma jiro ee aniga ku darsaday oo waxaan u arkay inuu muhiim yahay.