Muxuu yahay qaab dhismeedka ganacsi ee SAAS ?

SAAS waxaa laga soo gaabiyay Software As A Service oo micnaheedu noqonaya “Software adeeg ah” oo la kireysanayo tusaale ahaan: waxaa ugu caansan oo aan idinku fahansiin karaa barnaamijka quickbooks-ka waliba qeybtiisa cloud-ka ee bilkasta lacagta la bixiyo ee xisaabaadka loogu talagalay, ama software-ka Canva ee loo isticmaalo designs-ka ee bishii lacagta la bixiyo.

Ganacsiga noocaan ah aad ayuu u faaiido badanyahay sababtoo ah waxaa yar qarashaadkiisa, oo qofka hadii uu software mar sameeyo, waxaa qarash ah ee ka galaya wuu yaryahay kaliya inaad updates u sameyso ama ciladihiisa ilaaliso, 90% faaiidadiisa adiga ayay kuusoo dhacaysaa oo qaadanaya.

Yaa bilaabi kara ganacsigan?

Qasab ma ahan inaad tahay qof yaqaana cilmiga sameynta softwares-ka, hadii aad heyso fikrad fiican oo laga dhigi karo adeeg, waxaad raadin kartaa qof kula wadaaga oo aad qeybsataan faaiidada oo aqoonta developmentka leh, ama waxaad sameyn kartaa inaad maalgelin raadiso oo dad yaqaana aad kireysato oo ay kuusameeyaan.

Maxaa kamid ah fikrado SAAS ah oo shaqeynaya?

Fikradaha SAAS waa ay badanyihiin, waxaana ay ku xirantahay hadba magaalada aad joogto iyo fikrada aad heysto nooca ay tahay, balse fikrad kasta waalaga dhigi karaa SAAS oo la kireyn karaa.

  1. Waxaad samayn kartaa software SAAS ah oo shirkadaha shaqaalaha badan leh ay isticmaali karaan, oo ay mashaariicda ugu diri karaan, shaqooyinka kala socon karaan, oo ay ka ogaan karaan shaqaale kasta iyo waxqabadkiisa.
  2. Waxaad sameyn kartaa saas software loo isticmaalo Point of sales oo wax lagu iibiyo, kadibna waxaad qiima jaban kaga kireynaysaa meheradaha iibiya alaabaha sida dharka, kadibna waxaad kusii xidhaysaa qeyb suppliers ah, oo ay ka dalban karaan alaabaha kasii dhamaanaya adigoo qolada kale ee wholesaleka iibanaysa siinaya meel ay ka iibin karaan alaabaha ay hayaan adigoo commision saaranaya sidoo kalana kiro bille ah ka qaadaya.
  3. Barnaamijyadda dhulalka iyo real estate-ka, waxaad sameyn kartaa software isticmaalaya google maps kaas oo shirkadaha real estateka u ogolaanaya inay research kusameeyaan meelaha aadka u hormarya ee magaalooyinka kamid ah.
  4. Barnaamijyadda Human resource-ka oo kale aad ayaa loogu baahanyahay, waxaad sameyn kartaa barnaamij loogu talagalay in lagu maamulo shaqaalaha oo aad bishii kireyso.
  5. waxaad sameyn kartaa barnaamij aad ka kireynayso iskuulada oo ay si online ah usoo galin karaan casharadda kadibna ardaydu iska diiwaangelinayaan.
  6. Barnaamijyadda data analytics-ka oo aad ka kireyn karto shirkadaha waaweyn ee iibka sameeya: tusale ahaan in supermarkets-ku daraasad kusameyn karaan macaamiishooda iyo alaabaha ay iibinayaan.
  7. Software saas ah oo isku xidhaya hayadaha iyo shirkadaha kale ee adeegyadda bixiya, tusaale ahaan waxaad sameyn kartaa software bishii aad 100$ kaga kireyso hayadaha oo u ogolaanaya inay ka dalban karaan alaab kasta oo ay magaalada uga baahdaan sida: stationery, food, transportation, groceries, books, local news IWM, kadibna waxaad u tagaysaa shirkadaha bixiya adeegyadaas waxaadna kula soo heshiinaysaa inay kusiiyaan discount hadii aad kusoo xerto hayado badan oo wax ka iibsada.
  8. SAAS software ay isticmaali karaan dukaamada yaryar kaas oo ku shaqeynaya application halka computer la isticmaali lahaa.
  9. SAAS software lagu Maamulo dental business-ka.

Waxaad samayn kartaa malaayiin nooc oo SAAS ah, waxay ku xidhantahay magaalada aad joogto iyo waxyaabaha looga baahanyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *