Waxyaabaha cajiibka ah ee aan arkay maalmahan waxaa kamid ah, Elon Musk oo aad wada garanaysaan ayaa waraysi bixinayay, markaasaa gabadhii waraysanaysay tidhi “wiilka aan aniga dhalay ayaa doonaya inuu cilmiga baabuurta iyo farsamadooda barto, ee maxaad kula talinaysaa inuu sifiican u barto ma physics mise engineering?” markaasuu dhahay labadaasba waxaa ka muhiimsan Inuu taariikhda barto!.
Taariikhda waxay kamid tahay waxyaabaha ugu wanaagsan ee uu qofku daraaseyn karo, hadii aad u fiirsato Quraanka Ilaahay meelo badan ayaa jirta uu ina dhahayo taariikhda dib u fiiriya.
Hadii aad aqriso taariikho hore u dhacay waxyaabaha aad ka faaiidaysan karto waxaa kamid ah:
- Inaad iska ilaaliso qaladaadkii hore u dhacay iyo go’aamo badan oo hore loo qaatay oo aad u xumaa.
- Inaad hesho farsamooyin wanaagsan oo ay isticmaali jireen dad badan oo nolosha horumar ka gaaray.
- Inaad kor u qaado adeegsiga qisooyinka hadii ay ahaan lahayd inaad usoo qaadato tusaalooyin wanaagsan iyo qaar xunxun oo hore u dhacay.
- Inaad kala barato dunida maanta la joogo iyo dunidii hore waxyaabaha u dhaxeeya oo farqi ah.
- Inaad kala barato cadowgaaga maanta iyo saaxibadaada.
- Inaad barato dhaqamo badan oo bulshooyin kala gadisan ku dhaqmaan.
- Iyo waxyaabo kale oo badan.
Qaar kamid ah buugaagta ugu fiican ee aad taariikhda ka baran karto waxaa kamid ah.