Waxyaabaha ugu waaweyn ee aan aniga ku jeclaaday Teknoolojiyadda, waa inay tahay xirfad u baahan halabuur joogto ah, oo maalinkasta caqabad horleh ayaad lakulmeysaa oo kaaga baahan inaad xaliso, waxaad baranaysaa wadooyin cusub oo wax loo xalin karo, waxaad baranaysaa aqoon cusub oo aanad ugu talagalinba inaad barato sababtoo waxaad u socotay inaad cilad ku heysatay iska saxdo.
Qaas ahaan marka la joogo programming-ka, waxaad baranaysaa sida loo fikiro oo loo helo xal, qofka wuxuuu si wanaagsan u baranayaa waxa loo yaqaan “xalinta dhibaatooyinka” Problem solving-ka.
Teknoolojiyaddu waa aqoon uu u baahanyahay qofkasta oo sanadkan nool inuu wax ka barto, hadii aad tahay ganacsade, Dhaqtar, Macalin, Youtuber, Sheekh, Injineer ama waxkasta oo aad qabato waad u baahantahay inaad waxuun ka garanayso Teknoolojiyadda casriga ah sida Programming-ka iyo Artificial intelligence-ka.
One thought on “Muhiimada ay leedahay barashada teknoolojiyadda”
Qof basic ah maxaad kula talin laheeyd inuu ka bilaabo barashada technology yada?