Waxyaabaha ugu muhiimsan marka la joogo hagaajinta muuqaalada waxaa kamid ah sixida midabada iyo kor u qaadista midabada, hadaba labadan arrimood aad ayay u kala duwanyihiin aynu isla eegno.
- Sixida midabka (Color correction): waa marka aad dooneyso in midabada muuqaalkaagu noqdaan sida saxda ah ee muuqaalka laga doonayo tusaale in dharka qofka xidhanyahay, backgroundka iyo waxyaabaha ka dhex muuqda muuqaalku noqdaan sida la doonayo inay noqdaan.
- Kor u qaadista midabka (Color Grading): Waa marka la doonayo in midabada muuqaalka kor u qaadis lagu sameeyo oo lasii qurxiyo iyadoo lagu soo kordhinayo waxyaabo aan kujirin muuqaalka.
Hadii aan soo koobno Sixida midabka waxay ka dhigaysaa muuqaalka mid caadi ah oo dabiici ah, halka kor u qaadista midabka ay siinayso muuqaalka hibo gaar ah ama qaab gaar ah oo la doonayo.