Maxay muhiim u tahay inaad heysato branding wanaagsan.

Branding-ku waa kuu muhiim marka aad tahay ganacsi yar oo hada soo koraya. waxyaabaha uu kaa caawin karo waxaa kamid ah.

  • Waxaad ka dhex muuqanaysaa tartamayaashaada Xiligan la joogo suuqu waa buuq, waxaa jira shirkado badan oo kula tartamaya waana qasab inaad ka dhex muuqato oo aad lahaato qaab kuu gaar ah oo laguugu garto.
  • Branding-ku wuxuu kusiinayaa kalsooni iyo aaminaad Marka brand-kaagu noqdo mid caan ah oo dadku wada yaqaanaan waxaa badanaysa kalsoonida dadku kugu qabayaan.
  • Waxaad soo jiidanaysaa macaamiil cusub Marka brand-kaagu noqdo mid si fiican looga shaqeeyay oo soo jeedinaya aragti positive ah oo dadku wanaag kugu bartaan waxaad helaysaa macaamiil badan oo cusub.
  • Marka brand-kaagu wanaagsanyahay waxaad helaysaa iib badan oo waxaa kor u kacaya iibkaaga. marka macaamiishaadu si fiican kuu barato waxaa dhacaysa inay kugu soo noqnoqdaan oo ay markasta wax kaa iibsadaan.

3 thoughts on “Maxay muhiim u tahay inaad heysato branding wanaagsan.

  1. Mahad sanid ustaad waxaaa tahay aof mar walba wax lag faa iido runtii boos wayn ba noogu jirtaa hadaan nahay dhLinint rabta inay nolosha wax ka badalaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *