Markasta ku tasho diidmo, laakiin ha quusan

Markaad ganacsi bilowdo waliba ganacsiyadda B2B ah ee la tacaluqa inaad shirkad wax ka iibiso ama mashruuca ka qaadato, sida inaad Digital marketing agency samaysato, waxay kamid yihiin kuwa ugu adag ee la bilaabo oo badanaa waxaad la kulmaysaa diidmo badan oo lagu diidayo.

Siyaabo kala duwan ayaa laguu diidi karaa laakiin aniga waxaan ugu jeclahay kuwa dadka runta u sheega, tusaale yar aan idin siiyo: Maalin dhawayd ayaan u tagay nin ganacsade kadib sharaxaad ayaan u sameeyay, markaan dhameeyay ayuu igu yidhi: “Adeegan aad wado uma qalmo ganacsigayga, ee marka aad kor u qaado igu soo noqo” Micnaha baahi uma qabo hada, ee intaad i baadho wax igu haboon ii keen lacag fiicana aan kugu siiyo.

iyo qaar kale oo ku dhahaya waan kula soo xidhiidhaynaa oo 99% aad sii ogtahay inaysan kula soo xidhiidheyn balse kuwaas waalagu noqnoqdaa oo dabka laga ridaa bilkasta follow-up ayaa lagu sameeyaa.

Halkan kala soo dag buuga “never split the difference” TAABO HALKAN.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *