Dhawr bilood kahor ayaan Barfuun ka iibsaday meherad cusub oo xaafadeena laga furay, haddii aan daacad u hadlo aad ayuu u wanaagsanaa Barfuunka aan ka iibsaday qiima ahaana wuu jabnaa, balse markaas ayaa iigu dambeysay meheradaas oo kadib kuma aan noqon. Sababta aan ugu noqon waayay ma ahan inaanan ka helin alaabtooda iyo qaabka ay iigu adeegeen balse aniga iska ilaabay iyagana imay soo raadin.
Cashar yar oo ganacsiga kusaabsan aan isla eegno: “Macmiil kasta ee kuusoo gala ee doonaya inuu wax kaa iibsado waxaa uu kuugu yimid lacag aad ku bixisay, ama boodhka aad meherada ku dhajisay ha arko ama xayaysiis aad sameysay hasoo raaco balse markasta ogsoonoow macmiilkaasi kharash ayaad ku bixisay”. Casharkaas yar maxaad ka fahamtay? si kharashka aad ku bixisay macmiilkaa imaanshihiisa kadibna aad wax ugaga iibisay waa inaad kasii faaiideysaa oo waa inay jirtaa qaab aad usoo celcelin kartid oo aad ugaga dhigi karto “Return customer” ama Macmiil
Haddii meheradaasi iisoo diri lahayd xusuusin ama fariin ay igu dhiirigelinayso inaan dib wax ugaga iibsado waxaan 100% hubaa inaan ku noqon lahaa balse markii ayaa iigu dambeysay, tani waxay ku tusineysaa muhiimadda ay leedahay inaad ka wardoonto macaamiishaada oo aad la yeelato xidhiidh dhaw.
Waxaa jirta dhawr qaab oo aad macmiilkaas ugaga dhigi karto mid soo noqnoqda, waxaad sameyn kartaa inaad siiso kuuboon qiimadhimis ah iibkiisa labaad ama inaad xog ka qorato oo aad dib u raadiso ama aad xayaysiis toos ah u dirto.