Luuqadaha programming-ka ugu wanaagsan uguna fudud in la barto sanadka 2023

Ma dooneysaa inaad albaabada u furto shaqooyinka loogu baahida badanyahay caalamka? hadii ay sidaas tahay waxaan kugula talinayaa inaad waqti kooban galiso barashada ugu yaraan hal luuqad oo programming ah.

Luuqadahee ugu fudud in la bilaabo.

  1. Python: python waa luuqad aad u fudud qofka bilowga ahna u wanaagsan inuu barto, marka laga yimaado fudeydkeeda, waxaa kale oo ay ku wanaagsantahay waa luuqad awood fiican leh, waxyaabo badana lagu qaban karo sida: Web development, Artificial intelligence, Machine learning, data science iyo waxyaabo badan oo kale.
  2. SQL: Waa luuqada lagu qoro Database-ka, waa luuqad aad u fudud in la qoro oo sida english-ka loo qoraa. SQL waxaa lagula hadlaa barnaamijyadda ugu badan ee database-ka lagu isticmaalo sida: MYSQL, SQL Server, Oracle iyo barnaamijyo kale oo aad u badan.
  3. JavaScript: Waxaa loo doortay inay tahay luuqadda loogu isticmaalka badanyahay, waa luuqad leh qeybo aad u badan iyo maktabaddo badan oo kala duwan, Luuqadan waxaa loo isticmaalaa waxyaabo badan waana luuqad leh godad badan, hadii aad barato waxkasta waad ku qabsan kartaa, waana luuqad fudud sidoo kalana leh resources badan iyo bulsho aad u isticmaasha hadii ay noqoto inaad u baahato caawimaad.
  4. PHP: waxaa jira ilaa 800 oo milyan oo website oo isticmaasha luuqada PHP-da waa luuqad Legend ah oo 20kii sano ee ugu dambeeyay aad loo isticmaali jiray waa luuqad aad u fudud lehna bulsho badan oo kaa caawin karta hadii aad u baahato cilad bixin ama aad google ku raadiso.
  5. Java: Inkastooy xoogaa tahay luuqad adag, hadana waa luuqad muhiim ah balse aan saaid u adkeyn in la barto, waa luuqada lagu qoray Systemka Android-ka waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo isticmaalo waxaa kamid ah, sameynta Applications-ka Android-ka.

6 thoughts on “Luuqadaha programming-ka ugu wanaagsan uguna fudud in la barto sanadka 2023

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *