Sida aad u dooneyso inay shirkadaadu u kobocdo si lamid ah u kobci horumarka shaqaalahaaga, haddii aad ka fikirto shaqaalahaaga waxaa hubaal ah in ganacsigaaguna horumar wanaagsan sameyn doono.
Nin ganacsade ah oo aan garanayo ayaan ka yaabay sida shaqaalihiisu daacad ugu yihiin oo ay shaqada ugu dadaalayaan, mardambe ayaan ogaaday sirta ka dambeysa oo ah ninkaasi wuxuu sanadkii sameeyaa abaalmarin cajiib ah.
Wuxuu magaaladda duleedkeeda meel xoogaa u jirta laakiin aan aad u fogeyn ka iibsadaa dhul balaadhan oo qiima jaban oo dhawr boqol oo doolar ayuu ugu fadhiyaa halkii boos (Baloodh), kadibna sanadka markuu dhamaado shaqaalaha kuwa ugu waxqabadka badan waxaa la siiyaa abaalmarin dhul ah.
Caqligaas u fiirso inaad shaqaalahaaga ku abaalmariso IPhone cusub oo $1500 doolar jooga ama inaad ku abaalmariso hanti dhul ah oo qiimaheedu usii kordhayo kee baa kor u qaadaysa mooraalka shaqaalahaa.
One thought on “Kobcinta Shaqaalaha: Furaha Guusha Ganacsiga”
Good idea