Maanta waxaan ka hadlaynaa “THE” oo ah kalmadda maanta!
Marka la joogo Luuqadda English-ka, waxaa jira wax loo yaqaano Article oo loo isticmaalo in wax lagu tilmaamo, Article-ka waxaa laga hormariyaa magacyadda iyo waxyaabaha magacyadda u dhigma,
Article-ka waxaa loo kala qeybiyaa laba qeybood oo kala ah
- Definite oo ah “THE”: waxaa loo isticmaalaa marka la sheegayo wax qofka aqrinayo uu yaqaano sida: the car is parked outside “Gaadhiga wuxuu yaalaa banaanka.” oo markaas waa wax qofka loo sheegayo uu yaqaano.
- Indefinite oo ka kooban “A” iyo “AN” : waxaa loo isticmaalaa wax qofka aqrinayo uusan garanayn, tusaale ahaan: “A car is parked outside” oo noqoneysa gaari ayaa banaanka yaala, waxaana loo kala qeybaa A oo loo isticmaalo shibanaha iyo AN oo loo adeegsado shaqalka.
Kalmadeena maanta aan ka hadlaynay waxay ahayd “THE” oo kamid ah kalmadaha ugu badan ee la isticmaalo marka la joogo luuqada Englishka, markasta oo aad aqrineyso qoraal English ah waa qasab in laga helo.
3 thoughts on “kalmadda maanta #1 “THE””
Asc wll seytahay
wll waxaan kaa rabaa caawinaad inaad isiiso haddi aad aragto ilasoo xiriir ama numberkaga isodir mahadsanid
wcs walaal waxaad igala soo xidhiidhaa +252634861210 adiga mudan
yacka