Iibi marka hore, kadib biloow ganacsiga.

Buugan oo aan maalin dhawayd dhameeyay waa buug cajiib ah oo ka aragti duwan buugaagta kale ee ku saabsan bilaabida ganacsiga, sida caadiga buugaagtan waxay ku barayaan inaad fikrad keento, kadib qorshe ganacsi sameyso, dhisto ganacsiga oo alaabta ama adeega aad bixineyso diyaariso, kadib suuqgeyn iyo iib sameyso sowmaaha?

Buugan wuxuu kaga duwanyahay kuwa kale, isagu wuxuu ku leeyahay marka hore iibka raadi kadib dhis ganacsiga, tusaale: Waxaad keentay fikrad ah inaad sameyso shirkad yar oo gawaadhida dhaqda laakiin kaliya u shaqeysa shirkadaha waaweyn, marka inta aad soo iibsan lahayd alaabtii oo aad qarash gali lahayd marka hore 10 shirkad oo aad garanayso ama aad ka dhaadhicin karto u tag oo kasoo dhaadhici fikradaada kadib heshiis la gal, intaas kadib waxaad bilowdaa inaad soo iibsato qalabka u baahantahay iyo qarashaadka kale ee kugu baxaya inaad diyaarsato.

Farsamadaan oo kale waxaa la yidhaahdaa “sell first, build later” oo ku wanaagsan inaad suuqa iska sii tijaabiso inta aad kusoo ordi lahayd kadibna aad ku wareeri lahayd.

Marka waxaad sameysaa imika fikrada maskaxdaada ku jirta suuqa la gal oo soo iibi inta aadan qarash dhan galin kadibna xaga dambe ka biloow shaqada tan laba way kaa caawinaysaa 1. Inaad wixii bilowdo oo caajiska kaa baxo iyo 2. Inaad ogaato suuqa iyo fikradaadu inay tahay wax xiiso leh oo socon kara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *