Humane ai: qalabkii fashilka ku bilowday!

Ganacsi kasta si uu u aflaxo waa inuu yahay mid xalinaya caqabad taagan ama xitaa uu noqdo mid abuura caqabad aan jirin kadibna yidhaahda “Hoo xalkan” balse Teamka sameeyay “Humane AI” labadaas midna maysan sameyn balse caqabad aan jirin ayay xal aan loo baahneyn u sameyeen kaaga sii darane xalkii xitaa way ku guuldaraysteen inay ka dhigaan mid shaqeynaya.

Humane AI Pin waa qalab lagu dhagsanayo jeebka kaas oo leh Mikrafoon uu qofku la hadli karo si uu u bixiyo amaro uu wax kaga codsanayo qalabkan, kadibna wuxuu kusiinayaa jawaab ku haboon su’aasha uu qofku weydiiyo.

Qalabkan oo dhan waxaa lagu soo koobi karay App uu qofku kushuban karo computerka yar ee uu gacanta kusito ee loo yaqaan “Smartphone” balse shirkada Humane ayaa waxay tidhi waxaan sameynaynaa qalab kaligii shaqeynaya oo leh maskax iyo battery qofkana u weydiin karo su’aalo, kaas oo noqonaya shaqaale AI ah oo uu qofku jeebkiisa ku sito wuxuu doonana ka dalban karo, laakiin waxay sameeyeen qalab aad u culeys badan, oo dhaqsa u kululaanaya, su’aalaha la weydiiyana lasoo habsaamaya.

Hadaba maxaa ka dhigay Qalabkan mid fashil ku bilowday?

  1. Qiimaha lagu iibinayo: Qiimaha uu qalabkan joogo ayaa ah 700 oo doolar, oo ah qiima u dhaw ama xitaa ka badan waxa lagu iibiyo telifoonada dhexdhexaadka ah.
  2. Culeys badan: Qalabkan markasta uu doonayo inuu jawaab bixiyo wuxuu la xidhiidhayaa internet-ka kadibna wuxuu soo helayaa jawaabta la weydiiyay kadib ayuu kusiinayaa jawaabtaa, taas oo ka dhigaysa mid inbadan la sugayo oo soo habsaamaysa.
  3. Dabkiisa oo dhaqso u dhamaanaya: Qalabkan waxyaabaha kale ee aadka loogu dhaliiyay waxaa kamid ah inuu dabkiisu dhaqso u dhamaanayo oo maanta oo dhan wuxuu kaa doonayaa inaad jaajar geliso.
  4. Kuleyl badan: Qalabkan ciladihiisa waxaa kamid ah inuu dhaqso u kululaado oo xitaa ay keento inuu shaqada joojiyo ilaa uu dib uga qaboobo si uu shaqada u bilaabo.
  5. Qarash bille ah oo la bixinayo: Si aad qalabkan u isticmaasho waxaad u baahanahay inaad bixiso 25 doolar bilkasta oo data-da uu isticmaalayo ah.
  6. Jawaabo qaldan: Caqliga Macmalka ahi wali wuxuu kujiraa tijaabo iyo horumarin, taas oo ka dhigaysa inuu qaladaad badan sameeyo inta uu cusub yahay oo aan 100% laysku haleyn karin.

Humane AI waa talaabo dhiiran oo la doonayo in mustaqbalka lagu gaadho waana aragti u baahan in la dhiirigeliyo sababtoo ah sanadihii ugu dambeeyay marka loo fiirsado hal abuurka dhanka qalabka hardware-ka aad ayuu usoo gaabinayay oo way yarayd in la helo halabuur aragti dheer oo hiigsanaya teknoolojiyada, laakiin humane AI waa aragti u baahan dadaal badan iyo toostoosin badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *